Sheekooyin

Dabayshii imtixaanka ( sheeko gaaban)
Bilowgiiba waxaa soo gashay dabayshii imtixaanka shahaadiga ah ee (dalka oo dhan oo la qoondeeyey inuu bisha 6aad oo kale sanad walba  imtixaanku qabsoomo),markaasuu arday walbaaba guntiga giijistay oo wuxuu u xadhko xidhay inuu magac iska reebo, kii aan markii hore dedaali jirinna ku hambabaray si ugu yaraan bal wax yarna alle haka yeele uu u xasilin lahaa.waxay ka dhignayd “waari mayside war ha kaa hadho”.
Marka lagu daro waanada macalimiinta ee ahayd in imtixaanka magac wayn la soo hooyo,ka sokow nin walbaaba wuxuu maanka ku hayey tolow maad gudbi mise waad hadhi illeen balanqaad ma haysatide?.
Waxaa kalo xusid mudan sanadkan bilowgiisii in ay jireen kedisyo iyo tijaabooyin lagu sii carbinayo ardayda ku talo galkiisuna ahaa layliga ardayda.waxaa jirtay mar 20 xaashiyood oo soomaali ah la qaaday.si kastaba ha ahaatee waxa la gudoonsaday u diyaar garowga fooshii hore ee imtixaanka, waxaanu ku galnnay si niyad sami ah oo dareenka ardaydu wuu fiicnaa waxaana intaa xigay  muddo saddex bilood ku dhow oo fasax iyo tamashle isugu dhafan, bishii 9aad markii ay soo gaadhayna ,wadnaha iyo farta ayey ardayda badankoodu isku hayeen taana waxa ka sinnaa dhamaan ardaydii Gu’gii dhawayd la imtaxaanay ee fasallada  8aad iyo 4aad ee sanad-dugsiyeedkaa guud ahaan.sababta keentayna waxay ahayd tirada laga doonayo ardayga ugu hooseeya oo ahayd mid aad u saraysa (marka loo eego tirooyinkan danbe) oo waxaa lagu dhici jiray 375 dhibcood wixii intaa ka hooseeyana dabcan ma gudbi jirin(dugsiyada hoose dhexe),kuwa sarena kolay waxa lagu qiimeeya heerka xarfaha sida haddaba loo adeegsado ee (D+- iyo wixii ka sii hooseeya).
markaa bishan sagaalaad bilogeedii waxay ku beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan oo waxaanu  ku dheeli jirnay laadhuu guriga Cabdi casiis Maxamed jaamac,waxa kolkaa iman jiray Maxamed aadan maxamed,Xamse rashiid axmed,Cabdirixiin maxamed jaamac,Cadiraxmaan Ismaaciil salaad,iyo dabcan dhalin kale oo xaafadaha deriska ah u badnaa iyaguna kolkaa ahaa lodkii naga horeeyey oo iska nafis ah laadhuudana u ciyaaraya si aan wer wer lahayn.
waxa la soo gaadhay goortii ay wasaarada waxbarashadu u qoon daysay in lagu dhawaaqdo natiijada  imtixaanka shahaadiga ee fasalada 8aad  ee D/H/dhexe iyo 4aadee dugsiyada sare,waxay ahayd abbaaro 8dii fiidnimo 5tii/9aad kolkaasoo aan ka  daawanayey warbaahinta dalka qaar ka mid ah gaar ahaan telefishanka qaranka shir jaraa’id oo wasiirka waxbarashada iyo madaxa imtixaanaadka qaranku si wada jira u qabteen.kuna baahiyeen (tobanka qof ee dalka ugu sareeya ,tirada dhicitaanka,inta gudubtay,inta kolkii hore gashay) iyo umuuro kale.ardayduna u diyaar garoobaan ogaalka waxa ka soo baxa berrito oo kale.
Habeenkii waxaan la hadlay Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo Maxamed Aadan  markaasay igu yidhaahdeen “waanu maqalnay  bal aynu u wada joogno waxa ka soo baxa”.anna waabay iga dhan tahay naxdin weynaa, ,kacaa-fadhiistay,istaagay,illaa aan dhereray habeenkii,gaw!  Maba dhawa.12 ka saacadood ee ka hadhay shaaca waaberi ayaa ahaa mid u dhigma laba beri.
waxaan lahaa imikuun yaa ku dhawaaqa waayo ma hubin waxa kasoo baxaya maadaamoo uu ahaa imtixaanku waxaan aad loogu kalsoonayn waxa ka soo baxa “falaadha cirka loo ganay nin walooba filo”.waa intaas oo wada socota waxaanu ka fikirayney wixii intaas oo dhan la idin barayey ee macalin iyo waalid intuba ay ku soo daaleen tolow maydin ka midho dhalin barrito,tolow maad dhici?maad ka gudbi?dee mooji!yaa huba.
kolkii aroortii  la isugu yimid goobtii dugsiga si natiijada loo wada dhawro waxaan ku talo jirney inaanu si qarsoodi u ogaano immisa ardaybaa hoos maray dhibcihii la wada yiqiinay, si gaar ahna arday walba wuxuu ku dadaalaya dhankiisa bal inuu mar uun indhaha ka qaado wuxuu keenay miyuu gudbay? mise wuu hadhay?.
Wax alla wixii maamulku khudbo shubayey waxay ahaayeen bal adba garo,waxaanu ku war helnay “dhicitaanku ceeb maaha” iyo ereyo ku saabsan.
Arrinta kale ee layaabka lahayd waxay ahayd in la yidhi dhawr ardaybaa dhacay!.
Hoosbaa la iskula hadlay,kuye tolow ma ku jiraa?!
markaasaa nin kasta wadnuhu kor iyo hoos u booday,dhag...dhag...tolow  ma anigaa ayuu nin kastaa hoosta ka yidhi,bal adba.
kolkiiba waxa badka la soo dhigay dhibcaha la kala keenay waa run oo dhawr arday ayaa hoos ka maray 375,kolkaasaa ardaydii 375ka hoos maray calaacaleen,qaar 374 keenay ayaa iskaga tagay goobta cadho darteed!
maxay se samayn karaan,goobtiiba waxay noqotay goob aan ardaydaasi niyadoodu samayn, 5 daqiiqo gudahood arday ardayda ka mid ah ayaa arkay qoraal muhiim ah oo ku qornaa warqada imtixaanka hoosteeda kaas oo tilmaamaysa in tirada lagu dhacayaa ay tahay qofka hoos mara dhibcaha 260,  waliba  waxaan filayaa inuu ardaygaasi ahaa Cabdiraxmaan ismaaciil,si kastaba ha ahaatee waxaanu u baratanay ardaydii iska tagtay dhankoodii si aanu warkan farxada leh ugu sheegno,waanu yara waynay  laakiin si kadis ayaanu ugu aragnay meel aan naga dheerayn(macmacaanlihii arday soor agtiisa) qaar sii luudaya ,laabtaanu la boobnay waanu soo jiidnay,wayna arkeen natiijadii.farxad weynaa.
judhiiba goobtii waxay isku badashay madal farxadeed &damaashaad hor leh ,farxad darteed kolkii aanu la qabawnay ayaanu is weydiinay “waar horta halkeenan waa lagu fiican yahee magaalada kale sidee lagu ahaa?:.waxaanu u yaacnay dhinacaa iyo biyo dhacayga sare oo in door ah noo jiray, intii aanu dhexda ku sii jirnaybaa wiil aanu maalin isku afdhaafnay meel aan ka fogayn xaafadda aan daganaa oo dabcan asxaabtayduna  ila joogtay oo aan maalin si xarrago leh u garaacay dhexda nagu qabtay, waxaan aad u filayaa inuu markiiba i garawsady waayo wuxuu iigu dhagay sidii qof uu dayn raagtay ku lahaa oo waligii daydayi jiray.
“Waar kuma ayaad tahay,kuma garanayo” .
kuye “waar waa ninkii caynkaas iyo meel heblaayo...ma garanaysaa”,gartay hayeeshee  si aan uga baxsado waxaan ku idhi “waar waa ku sidee maantoo kale la isma qabto , maad isii daysid , iyo wax la mid ah”.horta i fasax, laakiin wuxuu igu yidhi waa inoo maalin kale.

Ugu danbayn waxaanu gaadhnay biyo dhacayga sare oo markaasuun lagu  kala dareeray.qaarbaa kolkaa ooyayey,qaar kalena way faraxsanaayeen ,waxa se layaab lahayd arday aan gudbin  imtixaanka ama ugu liitay oo aan dan iyo muraad toona ka lahayn, waayo markii horeba dhicida ceeb uma aqoonin. Barigii hore dhicidu ceeb bay ahaan jirtay,waxay ahayd wax la iska ilaaliyo ,ma xuma inuu qofku ku dhaco arrin balse waxa fiican inuu qofka  bina aadmiga ahi ku raagin,oo uu hore uga kaco,tusaale ahaan ceeb maaha haduu qof kufo hayeeshee ceeb waxa ah haduu qof kufo oo uu iska sii hawaaro.
Kadib intii imtixaanaadka shahaadiga ah gashay ee gudbay/gudubtay guud ahaan waxay u ahayd raynrayn iyo xarago ha noqoto 8aad ama 4aadba.
Waa Qallinkii:Xamse cabdi
qaadir

F.G:waa qayb ka mida qoraal gaaban oo aan ka soo jaray dhiganaha xasuus qorkayga(2008)


Email:xamse047@hotmail.com

No comments:

Post a Comment