Maqaallo

Wax ka badan hanka. W/Q:Xamse cabdiqaadir Aadan
hanka bulsho.jpg”walaal ma ihi”, “aad uma aqaano”… “waan ka cudur daaranayaa”  iyo kuwo kaloo badan.waa celceliska farriimo celin ,bogaadin nuxurkoodu ahaa soo jeedin hambalyeed oo ku socota hawl wadeenno u badnaa (macallimiin,wariyayaal,qoraayo,aqoonyahanno, indheergarad iyo meelaha ay bulshadu ka nooshahay dad hillinkeeda ku foogan).ayaan darro se ay libinteeda afka u dhigteen (indhow garad beenaalayaal ah iyo af miishaar) habrashada kuwa hore haysaa maxay tahay?. isku wada dar .garan maayo ma ka baqashaa? ! bulsho habsowday iga dhe.
Waxaan arkay/lana kulmay dad aan soomaali ahayn oo ku han weyn hawshii ay qabteen haba yaraato’e.
Mid qoray dhigane yar oo kooban wuxuu ku qanacsan yahay hawsha uu qabtay iyo jacaylka uu u qabo  inuu halkaa ka sii ambo qaado siina wado, xataa hadaanuu wax taageero ah ka helin bulshada,waxaan kaloon la kulmay mid magaciisa la dhacsan,maahee ku faraxsan darajada ama heerka iyo meekhaamka uu taagan yahay sida macallin sare oo jaamacad wax ka dhiga,qoraa iyo cilmi baadhe hebel…mudane hebel…mudane hebel …oo kula yaabaya hadaanad uga garaabin derajada uu joogo kuna ladhin magaciisa mudane .
Dhaliisha,iyo toosintu ma xuma ha yeeshee badashadoodu/soo celcelintoodu  inta badan waxay dhalaan wax taban.sheekooyinka dhabta ah ayaa kuu sheegaya waxaad qaban karto.waxaan filayaa kolka dadku gartaan hibada ku keydsan maankooda,ha u fadhiyin  in ay ku dhaleeceeyaan dadka kale riyo aan la mid ahayn tan ay ku riyoodaan,wali waxaad u baahan tahay cawo,maxaa yeelay dadka badankoodu ma garawsana,ma kala sooci karaan ama iskuma dari karaan wixii mala awaal ah iyo wixii maan gal ah,meesha dhabta ah ee wax ka dhacaan tusaale ahaan:waa suuraynta wax si dhaba macno u samaynaya.
Wax kastood akhriday,qortay,daawatay,ka hadashay,hase yeeshee arrinta kaliya ee ugu danbaynta dhacaysa ay tahay ISKU DAYGAAGA (bar bisaylka hawl maalmeedkaaga togan) si aad wax ugu biiriso Adduunka,taasina hal habeen qudha uun dhici maysee,waxay qaadanaysaa wax ka badan hankaaga.waxay qaadanaysaa inaad u adkaysato bahdilaado faro badan.waxay u baahan tahay dulqaad.
Waxay u baahan tahay xushmayn.waxaa haboon inaad lahaatid xurmayn aad naftaada xurmayso guud ahaan intaad nooshahay iyo hadhow kolkaad dhimato oo aad ku faanto hawl qabadkaaga una hurto jacayl aan koobnayn wixii aad qabanayso(dad badan ayaa iska ilaabay tan).si kataba ha ahaatee,waxaa suuro gal ah hadii aad daahfurto tab cusub,shay, alaab iyo hab nololeed  dhab ah,dadka goortaas kula noolina kugu bogaadiyaan daahfurka tab taasi muhiinka ah, inaad mutaysatay xurmayntooda,kana mahad celiso.hadii aanay ahayna lagaaga sii horreeyeyba,markaa aad sii horumarinaysid uun fikir jiri jiray si jiilka iyo faca soo socda aad uga tagto dhaxal waara inta meertada nolosha aadanuhu jirto… “Noloshu waa bar ama baro hadii kale waa bar kuma taal.

Sidaa awgeed,sidan waa inay u eegaataa:marka lagu daro shaqadaada,waxaynu u baahanahay hawl iyo  hilaadin leh han ka sii wanaagsan ,si loo horu- mariyo qofnimada,dulqaadka,sharafta ,filashada habka qofka iyo qiyamka bulsho liibaanta oo kob ku wada nool .waxaynu boodi goobaynaa ilaalinta shaqada uu qofku qabtay haba yaraato’e…haa,iyo sidoo kale meekhaamka iyo is tixgalinta bulshada dhexdeeda.
Waa qallinkii:Xamse Cabdiqaadir Aadan
khamiis, jan 30, 2014



Maqaalkan wuxuu markii hore ku soo baxay wargeyska Waaheen(9/feb/2014).

6 ViewsPublished By: togdheernews.com - Saturday, 8 February


No comments:

Post a Comment