Gorfayn


LAFA GURID; buuga dhibaatada dhulkeena(qaad & qabyaalad)

Waa buug yare ka kooban 100 xaashiyadood. waana dhigane qurxoon oo leh jeldi ay labada dhinac kaga xardhan yihiin midab buluug khafiif ah iyo waliba badhtanka oo ay kaga sawiran tahay caleenta geedka qaadka oo baxaysa; isla dusha  jeldiga buugana waxa far waaweyn oo ishu qabanayso ku qoran qoraaga da’da yare ee buuga qoray IBRAAHIM AW XASAN ISMAACIIL {WAABERI}.
Waxa uu qoraagu buuga dhexdiisa si mug weyn oo cilmi baadhis iyo aqoon ugu dhisan tahay ugu lafagurayaa laba qodob oo saameyn taban ku leh dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan min cadceed ka soo bax
Labadan shay ayaa ah kuwa  horumarka, tiigsashada iyo la jaanqaadka ka haysta dadka soomaaliyeed inay gaadhaan bulshada caalamka, Waana boog ku taal oo markasta oo horumar iyo horu-socod sameeyaanba damqata.
Labadan shay ayaa la odhan karaa waa labada shay ee ragaadiyey dad isku diin ah, isku dhaqan ah, isku luuqad iyo waliba isku dhul ku nool.wax ay ka jecel yihiin oo ka ogol yihiina dadka soomaaliyeed waa la waayey labadan shay.
Hadaba waa maxay labadan shay ee aan sheegaynaa? Labadan shay oo ah waxa laga socon waayey isla markaana wax lagu tirtiro iyo wax inaga tirtiraba la la’yahay ayaa ah {QAAD IYO QABYAALAD}.
Su’aasha meesha taalaa waxay tahay waa maxay waxa ku kalifay inuu qoraagu ka hadlo labadan shay ee sidaa loo jecel yahay? Hadaba inagoo ka jawaabayna waxa ku kalifay qoraaga inuu daaha ka rogo ayaa ah ka dib markii uu arkay qashin ay  dadku quudanayo, iyagoo waliba qaarkood og yihiin iyo waliba  ur qadhmuun oo hadana dadku ay udgoonsanayaan ,qaarkoodna walaaqayaanba. YAAB!!!. Markii qoraagu u kuur galey oo ogaadey in qashinkan uu yahay qaad, oo caafimaadka, quruxda,wakhtiga, dhaqaalaha iyo waliba qoyska bur burinayo. Qabyaaladana loo quudanayo sidii qaranka, qabiilka, jaceylka, nabadgelyada iyo horumarka lagu burburinayo,ayaa isagoo qoraa ibraahim halkaas ka duulaya u qalin qaatay inuu qashinkaas iyo qudhunkaas wax ka qoro kana qayb qaato wixii hore looga yidhi.
Sidaan hore u soo sheegnay  wuxuu qoraagu si farshaxamaysan u dhigay labadan qodob si dadka akhrisanaya ugu fududaato kala garashadoodu oo amin badan uga qaadan,hadaba isagoo labadaa u kala dhigay ayuu hadana ciwaan hoosaadyo aad u shilis oo dareen ku galinaya u sameeyay mid walba.
Q1aad QAAD;-waxa uu u sameeyay ciwaanadan hoose ee loo baahnaa ka hadalkoodu
·        Fahamka maandooruiyaha.
·        Inuu qaadku yahay doorshe.
·        Dhiska kiimikaad ee qaadka.
·        Qaadka iyo sida loo barto.
·        Marxaladaha mirqaanka
·        Qaadka iyo caafimaadka .
·        Qaadka iyo wakhtiga.
·        Aragtida diinta islaamka.
Intaa marka uu qaadka kaga hadlay muxuu qabyaaladana ka yidhi, waakane bal aynu wada dhugano inakoo badh ka soo qaadanayna ciwaan hoosaadyada uu qoraagu u sameeyay.
Q2aad QABYAALAD:-
·        Fahamka qabiilka.
·        Sharaxa qabyaalada.
·        Raadka qabyaalada.
·        Raadkii guumeystaha iyo ku lug lahaantii qabyaalada.
·        Suugaanyahanadu waxay ka yidhaahdeen qabyaalada.
Bal hadaba sidee qoraagu uga hadlay labadan arrin? Midba  inakoo in ka soo qaadanayna sida uu uga hadlay qoraagu soona koobayna waxa uu ka yidhi aynu eegno bal.
QAAD:-
Qaadku waa aabaha xumaanta dalkeena hooyo, isaga ayaa masuul  ka ah shaqo la’aanta dhulkeena taal, qaadkaana ubadkeenaa ku saaqida ,kuwa aan waxba baran loo aaneeyaa, wuxuu sababaa kuna baraa sigaarka iyo fisiq kale oo badan, goobaha lagu qaylaana waa halka ay qabyaaladu ilkaha ku yeelato, isla markaana wuxuu kuu diidaa inaad hurdo raaxo leh seexato, wuxuu sababaa kala taga qoyska, wuxuu waxyeelo u geystaa caafimaadka, wuxuu na lumiyaa waqtiga.qaadku waa doorshe{badale} waxyaalaha uu badalo qaadku waxa ka mid ah sumcada ama sharafta, xoolaha ama adduunyaada,caafimaadka, garashada iyo qaar kale oo badan.
Qaadku maandooriye kaliya maahee waa ;-
·        Miyir dooriye
·        Magac dooriye
·        Maal dooriye
·        Macno dooriye
·        Milgo dooriye
·        Macno dooriye
·        Mood dooriye
·        Maalmo dooriye
·        Maqaar dooriye
·        Macaan dooriye
·        Maamuus dooriye
Qaadku waxa ku jira maadooyin badan oo khatar ah oo ka dhigay mid ka mid ah mukhaadaraadka ugu waaweyn aduunka, waxa ka mid ah kuwa ugu caansan ;
·        Katiin{cathine}
·        Katinoon{cathinone}
·        Amfeetamiin{amphetamine}
Yaraanta iyo badnaanta labada maado eek ala ah {cathine} iyo {cathinone} waxay xidhiidh la leeyihiin;-
·        Nooca qaadka
·        Cimilada
·        Ciida uu qaadku ku baxo
·        Da’da geedka
·        Xiliga la guro
·        Dalka uu ka baxo
·        Hiddo barasho   Iyo waxyaalo kale.
Caleenta qaadka ahi marka ay cusub tahay labada nooc waa laga helaa, laakiin markay caleentu muddo taalo ka dib lagu ridin wax talaagada ama ilaaliso, waxa ku soo hadha oo kaliya {cathine}. Waana sababta marka uu qaadku cusub yahay iyo marka uu muddo yaalo ama sida aynu u naqaano baarixi uu noqdo mid ay saameyntiisu kala duwan tahay.
-MAXAA QAADKA  KA DHIGAY MID LA JECEL YAHAY?
Maadada keenta in qaadka lagu mammo,ka faqiirka ah iyo ka qaniga ahiba lacag badana ugu huraan, maalintii iyo habeenkiina fadhiyo,la’aanteedna aanay noloshu dhadhan ugu yeelanayn , isla markaana halisteeda iyo waxyeeladeedaba wadata ,kana dhigay qaadka mid ka mid ah mukhaadaraadka ugu waaweyn ama ugu khatarta badan ee caalamka, taas oo keentay in laga mamnuuco dhamaan caalamka oo idili waa maadada la yidhaa {cathinone}.
Maadadan helideedu waxay ku  qaadatey scienceyahanada caalamka muddo dheer, waana maado isbadasha marka ay ku dhacaan ileyska, hawada iyo biyuhuba.
MAXAA QAADKA KU QASBAY INAY CUNAAN DHALINYARADA  IYO RAGGUBA, ISAGOO DHIBTAA LEH?

Waxa ku kalifaya markay arkeen dadkii ay qadarin jireen oo ay ka mid yihiin macalimiinta, cuqasshii, wax garadkii, dadkii caqliga u saaxiibka ahaa iyo waliba dadkii sharafta iyo karaamada lahaa ee laga haybadaysan jiray oo cunaya, asxaabtiisa oo qaadka u amaanay una sheegay inay wax raaxo leh tahay, asxaabtiisuna u arkayaan ragganimo ka maqantay, asxaabtiisuna u arkayaan inuu ka liito maadaama uu la qayili waayey.
QAADKU MUXUU KU BARAA?
Qaadku waa fisiq lagu gaadho ama waddo u noqda fisiqyo kale, kuwaas oo qofka soomaaligaa ee aan qaadka cunin aan looga baqan, halka ka cuna mar walba aad uga war warayso goortuu u gudbi doono marxaladahan , waxyaabaha laga bartana waxa ka mid ah :-
·        Sigaarka.
·        Qabyaalada.
·        Tumashada
·        Khamrada iyo qaar kale oo badan.
MARXALADAHA MIRQAANKA:-
Cunida qaadka ka dib waxa dadka cuna ku soo baxa wax  la yidhaa mirqaan , kaas oo ah waali khafiif ah, waxaana ugu darsanta shay  isna la yidhaa dubaab, kaas oo isna u sawira wax aan jirin dadka qaadka cuna.
Hadaba waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa hal sheeko oo ka turjumaysa qaadka iyo  mirqaankiisa, waxaanay u dhacday sidan:-
waa habeenimo ciid ah, wakhti xagaa ah oo kulayl iyo hanfi aad xad dhaaf ahna   jiro . goobtuna waa ber bera ; oo hadh iyo habeenba ah meel  bayl ah. Aniga iyo akhyaar aanu saaxiib nahay oo laba  ahina dalxiis ahaan ayhaanu I nimi ,shaacii oo damay darted ayaanu nidhi “ waar waa inaan iska joognaa , ileyn xiligan gaadhi heli maynee” dabadeed fikradaas uu soo jeediyay mid naga mid ahi waa laysku raacay, balse waxa la is weydiiyey xaga la seexanayo. Hadaba ayeeyday oo ah aabahay habar yartii oo degen magaalada ayaanu go’ aansanay inaanu u tagno oo habeenkaa u hoyano. Markii aanu seexanay   meel isku dhaw sadexdayadii  shakhsi ba , ayaa waxa dhacdey aniga iyo mid aanu saaxiibo nahay meesha waanu ka kacnay oo debad  waraabaha ayaanu iskaga baxney kulayl darted ,markii aanu seexan weynay , oo waxaanu nidhi salaada subax ayaanu iska sugaynaa inta la adimayo maadaama oo ay tahay 3:10 habeenimo . Maqaaxi camiran oo dhinaca waqooyi kaga soop jeeda xaafada ayaanu iska qabanay, si aanu shah u cabno ileyn kulayl , kulayl ayaa lagu jabiyaaye. Shaahii markii aanu dalbanay ayaanu waxaan fadhiisanay kambalka maqaaxida. Mise  waxa baxaya bbc dii oo inta gabadha maqaaxida lihi  duubtey sagaalkii habeenimo ayay ragii qaylayay u galisay cajaladii rikoodhka, si aan looga dareerin. Dabadeed yaab iyo fajac ayaanu dhabanada qabsanay. Xoogey markaanu fadhinay ayaa mid ka mid ah raggii qaylayay yidhi “waa imisadii” anaka oo wali jawaabin ayaa mid isna qayilaayay oo halkan fadhiyay soo booday oo yidhi” waar sowta bbc dii ku jirta, warka dhageyso wakhti ma dhicine” dabadeed qosol ayaanu ka jarney aniga iyo saaxiibkay.
Waxaan uga jeedaa sheekadan  waxaasi waa mirqaan, waana waali khafiif ah.  Markaynu qaadka sida uu wakhtiga iyo caafimaadka saamaynta ugu yeesho ka tagno, bal aynu eegno
SIDA DIINTA ISLAAMKU U NAHIDAY{REEBTAY}
Xadiis laga soo wariyey  nabigeena {N.N.K.H} waxa uu yidhi”waxaanu idinka reebaynaa, wax kasta oo lagu saqraamo iyo muftir       ( wax kasta oo saamayn taban ku yeesha maanka, jidhka iyo caqliga)
Halkaa waxa ka cad inuu qaadku yahay xaaraan, maadaama uu yahay maandooriye(badale). Ugu danbeyntii qaadku adigoo dareen leh buu doqon kaa dhigaa, dulli aan damiir lahayn,wuxuu ku baraa daynta, baryaduu kugu dirqiyaa, guri dhisan buu dumiyaa, shaqaduu kaa dayriyaa, danbi ayuu ku galiyaa , ubadkana darxumiyo dawarsi buu badaa, dar kalana waa xaaraan , taa waxa daliil u ah maanka oo doorshiyo, wuxuu naf dilayuu, cudur aan daawo lahayn dusha uu ka saaray, dib u dhaca dal.keeniyo, dawakha qabyaaladana isagaa ka danbeeya…. Isku soo wada duuboo, xumaha dalkeenoo dhan ,isaga ayaa dar daar galiya, ka digtoonow waligaa.
                                            
  Q2aad   QABYAALAD
 Aynu is weydiino Marka hore waa maxay qabyaalad?
Qabyaaladu waa cudur halis ah oo dhan kasta kala dagay bulshada soomaalida, asaaageedna ka reebay. Hadaba  qabyaaladu waa cudur dawo loo waayey oo ah dhibaato weyn kaas oo ka dhasha y qalad fahamkii qabiilka. Si kale hadii aynu u dhigno waxa qabyaaladu waa markii hore ilaah u soo dajiyay daawo ahaan iyo isu garasho balse dadkeenii si kale u fasirteen si kale dabadeedna isku badalay dhibaato iyo cudur.
FAHAMKA QABIILKA:-
Dad badan ayaa kala aqoon iskuna qalda qabyaalad iyo qabiil. Hadaba sida ku qoran buuga qab iyo qabiil ee uu qoray c/laahi maxamed oo uu ibraahin soo xiganayo ayaa ah sida “dad isku isir ah oo wadaaga ab ama awoow isku mid ah ayaa la odhan karaa waa qabiil ama waa isku qabiil. Waxa hadaba jirta waxtarka qabiilka iyo garashada aynu soo sheegnay waxaana ka mid ah :-
·        Baafinta
·        Xidhiidhinta
·        Guurka
·        Dhaxalkja
·        Magta ama diyada
·        Iskaashiga
Guumeystaha iyo qabyaalada:-
Saamayn iyo raad intee leeg ayuu guumeystayaashii dhulka soomaalida ku soo duulay ku lahaayeen kor u kaca qabyaalada?
Bal si aynu uga jawaabno su’ aashaa aan iniin kala baxo qoraaga iyo ininka(akhristayaasha)
“guumeystuhu waxa uu saameyn badan ku lahaa inay qabyaalada kor u kacdo, waxaad arkaysaa dad uu guumeystuhu kala qayb qaybshay oo qayb waliba isu fiirsanayso iskuna sii kala saar saarayaan sidan:-
·        Inay usu kala saar saaraan gobol gobol,
·        Gobol kastaana waxa u sii kala dhigay qabiil, qabiil
·        Qabiil kastaana waa uu isku fiirsadayoo waxay isku sii kala saareen qabiil hoosaad ama jilib jilib.
·        Xigaal kastaana waa isku fursadeenoo wuxuu isku sii kala saar saaray ilma’adeer
·        Ilmaadeer kastaana waa isku fiirsadeenoo waxay isku kala saar saareen guri guri walaalo ah
·        Walaalihiina waxay isku kala saareen baho ama is:
·        bahaysi iyo kanaan isku bah nahay.
Waxaanay gaadhay heer labadii walaalaha ahaa isku kala saareen ama isku kala sheegaan isku xidhiidhiyaan, kanaan isku hooyo nahay ama kanaan isku aabo nahay. Abwaan c/laahi suldaan ( tima cadde) oo ka maansoonaya ayaa yidhi
·        gaaladii cad cadeed iyo
·        col kaloo mad- madoowoo
·        isku caynad yihjiin sikday noo cunayeen
·        cadkii wuu na dhamaadaye
·        irmaankoon cawr-nayn iyo
·        ciidaam kaa na fayow
sow lama odhan karo qabyaaladan xad dhaafka ah iyo dhibkani waa suntii guumeystaha iyo dhibkani waa suntii guumeystaha, raadadka iyo cudurkii ka dhashay? Ugu danbeyntii falaqaynta iyo faalaynta buuga dhibaatada dhulkeena (qaad iyo qabyaalad) oo ah dhigane mug iyo miisaan bal eh oon laga gayoon Karin ayaanu ku soo afmeeraynaa gabayadii laga tiriyey qabyaalada  oon badh badh ka soo qaadanayno inakoon dhameyn Karin :-


GAARIYE
Dugsi ma leh qabyaaladi,.
Waa dararta baahida,
Waa astaanta dibu dhaca,
Waa boog  dalooshoo,
Dadka maanka kaga taal,
Dirxi qudhun ku nooliyo,
Waxa fadha nin daalina ,
Damqa oo ku joogsada.
ABSHIR  NUUR FAARAX( BACADLE)AHN
Qaruun waliba cudur qaas ahoo, qaybiyaa jiraye
Soomaali balo loo qorayee, qalinka loo saaray
Wax qabiil ka daran jahannamaan, qiray aqoontay’e
Qaddartoonow iga hiilisaye , qolo ma sheegteene!
SIFAHA BUUGA
Qoraaga; ibraahim aw xasan ismaaciil{waaberi}
Daabacaada; qaahira 2013
Numberka waraaqaha; 100 pages
ALLAA MAHAD LEH                                      DHAMAAD

W/Q SAKARIYE(WADDANI)

2 comments:

  1. si fiicanbaad noogu kala dhidhgtay sakariye, qoraagana buugana waan hambalyeynayaa.

    ReplyDelete
  2. si fiicanbaad noogu kala dhidhgtay sakariye, qoraagana buugana waan hambalyeynayaa.

    ReplyDelete