Saturday, January 28, 2017

Sidii jadwalku ahaa inaan maalinle u soo post gareeyo ,qoraalkii taxanaha ahaa ee SOCDAALKII CARRO BARI .saddex dharaaroodba degelkii ma soo dhigin sababtuna tahay waxoogaa mashquul ah dartii.
Waxaan  dib u bilaabayaa maalinta isniinta ah Idam Alle.

Tuesday, January 24, 2017

S O C DA A L KII CARRO B A R I (Qaybta 3 aad )


M A H A DHA DII  B O O L A N I

Ragga socodku waa u door
Haddii mawdku daayee

Si ay wax noqdeenba mooji,waxaannu ku dhisnayn nidaam ah wada tashi meel kasta oo la tagayo,sidii aan qoraaladii hore ku qoray dalbaannu bilaa sharci ku soo galnay.
Maalmihii hore  dadka soo gala dhuumaalaysi bay ahayd,taasina waxay ku sii darnayd in islaantii ku aragto'ba ku sheegto sidaana sharciga dalka lagugu mariyo maadaamoo aananad fiise ama dalku gal haysan.
Anagaa kolkaa nimid laantii socdaalka bal inay ka taliyaan indho adayg dartii.
Dantuna waxay noqotay boolani waa kane soo gala.
waxaannu meeshii ugu tagnay afar ruux oo reer Srlinka ah ka sii ah qolyaha Tamilka la yidhaa oo iyagu ku dhawaad laba todobaad xidhnaa.
Laba lammaane ayey ahaayeen kala haysta diimaha kiristaanka iyo hindu-ga laakiin isku dal ka soo jeeda.anana soomaali siddeed ah,waxaannu isa su'aalney iyaguna ma sideenan oo kale ayey dalanbaabi yihiin.
Warbixintii ay nasiiyeen waxaannu ka dhadhan sannay inay qolona ka soo carartay jabhaddii singaliiska,qolona lacag badan inta ay soo dhaceen ku ballamay inay is guursadaan xaggan iyo Asia koonfureedna u soo baxsaday dabadeed jakarta muddo isaga noolaa,ku dhawaad sanad ay jakarta ku nooleen waxay go'aan ku gaadheen in laanta socdaalku arrinkooda ka taliyo maadaama aanay waddanka ka bixi karin.waa waddan dhan oo sida lagu galaa sahal tahay ka bixistiisuna bir iyo dhagax tahay.

Nagama qasnaba,kolkii ay noo warrameen goor fiid ah ee yidhaahdeen jeelbaynu ku jirnaaye maxaydun u malayn?.ayaannu dib isugu noqonnay hablihii afarta ahaa kolkiiba xalkiiba ka durkay waxaanay bilaabeen calaacal.
Waxa nagu soo maaxday hal fikrad oo ah in la is dejiyo,aynu wayso iyo dhanka cibaadada u baydhno inta aynu doonnaba aynu ku jirnee.
Dabadeed sidiibaannu salaadihii shanta ahaa ku sii waddanay anagoon ka bixista halkan isku sii mashquulinayn...qolodii diimaha kale haystay oo labadaa todobaad aan cibaado ka ag wareegin baa nin noo yimi oo nagu yidhi: soomaalidu waa dad wanaagsan sobab  baannu nidhi kuye mashquul kaleba idin ma hayo,anna berribaan salaad bilaabayaa buu yidhi.

Afartii ruux ba xillayadoodii bay cibaadaysteen,qolo subaxii qolona fiidkii.marmarbay qoloda kiristanka ahi subax iyo aroor israacin jireen.
Is aaminaad iyo saaxiibtinnimo horleh ayaa naga dhex dhalatay,afka aannu ku wada hadli doonno ayaannu isla meel dhigney
In afkooda na wax laga soo qaado afkayagana wax laga soo qaado masalan salaamaha iyo subax wanaagsan iyo habeen wanaagsan oo kale.
Afka Bahasa na wixii kolba la isla fahmi karo oo tiradu ka mid tahay baanu isla qaadanney.
Intaa markaannu isla fahamnnay ayaannu haddana kordhinnay saaxiibtinimadii in  dhaqanka aannu isla meel dhigno iyo in aannu wax kala baranno.

Heesaha soomaalida ayaannu soo kordhinnay iyana heesaha Tamilka ayey marin jireen,
Habeenada qaar qulubku jiro ayaan heesihii maxamed mooge qaar ku luuqeeyaa,waana halka magaca Jokar iga soo raacay.jookar ma kuugu yeedhi karnaa bay igu yidhaahdeen,waxaan ku  idhi  horta ha la ii macneeyo.jokar waa ninkii heesayey bay yidhaahdeen.
Beri danbe oon dad weydiiyey waxa la ii sheegay jokar inuu yahay turubka mid ka mida isla markaana qofka xariifka ah ama fas arrin ku ah loogu yeedho.yeelkede is afgarasho uun dheh.berigii danbe asxaabtii ayaa magacii faafiyey.

Anakoo isla haysanna ayaan dhawr maalmood Islaamka iyo wanaaggiisa uga sheekeeyey.diin farxad iyo rayn rayn inay tahay baan hadalkii ugu duur xulay,waxaan is idhi bal Illaahay miisaanka ha kuugu daro.
Isku geyn afartaa qof oo kuu soo Islaama baaba kaaga wacnaan lahayd Australia oo aad tagto iyo lacag badan ood hesho.
Wakhti kale iyo goob kale in arrinku u baahan yahay bay ku soo koobeen.anna waayahay baan ku idhi.
todobaad bay naga hor baxeen,sidii baa saraakiisha socdaalka ka masuulka ah aannu kula kullanay iyo maxaad ahaydeen ma argagixiso ayaad tihiin.

Run ta ayaannu sheegney,dee mayee Australiyadaa lacagtu taallo baannu is nidhi halkan aad ka kulaashaan warkeeda Oo hadday fududahay gala? Kow?dee waa kaa...
Haddaba halkan barnaamij baannu ka hir galinnay la yidhaa No way to Australia,af diplimaasiyadeed bay noogu sheegeen in waxoo gaa mushahar ah ay ku qaataan waxoogaa kalena ballan qaad ugu jiro.
Nimanyahow laba soo gala...inaad waddankii ku noqotaan yeeli waaya...nidaam Assylum furta dalka intaad doontan ku noolaada barnaamijyadaa dacwaddana iska furta.
Dalkii haddeerbaanu ka nimid inaanu ku noqonnona dooni maynee nidaamkaa noo fura ayaannu ugu danbayntii kaga soo baxney.

Halkii baa baabuur lanoo keenay sidii baannu ku aadney xeradii assylumka, oo belawan ku tiil.
Xaafad china town ay ku sheegeen baannu soo dhex qaadney,waxay ka sheekeeyeen sidii xaafaddan ay indha yartii hore u deganayeen iyo taariikho ku saabsan magaalada.
horta xero qaxoonti Bbc ayuunbaan ka maqli jirey,Aw barre, Kaakuma,dhadhaab,ifo,doollow cadde,Al qaras iyo xagar dheer iyo tobanaanka kaam ee dunida ku yaallee Allaylehe aad maanta aragtid baan islahaa illeen anaa dalkaygii joogi waayee!

Qoraalka qoraaladan xiga ayaan kaga sheekayn doonaa  bal dhowrkii bilood ee xerada qaxoontiga iyo siday noloshaydu ahayd iyo waxaan ku dhaqnaaba idam Alle 
www.hubsad.blogspot.com

Monday, January 23, 2017

S O C DA A L KII CARRO B A R I (Qaybta 2aad)

        H A B E E N  2 aad Iyo PACIFIC                  O CEAN

Ku safarka gacan aan sidaa u dheerayn ayaannu marnay waayo habeenkii hore waanakii baaqannay.asee,gaadiidka lagu safrayo iyo masaafada oo aan islahayn baa waxay horseedi doonaan habeen iyo maalin  badda korkeeda lagu gooshayo.waana markii iigu horraysay ee aan biyo intaa la'eg ku safro amminta intaa la'eg .belo'.
Miyaan hore u raacay , waa maya...habeenkii oo dhan ha guuxdo uun,‘gudcur iyo madaw baahsan ayey ahayd'e,aroortii goor ay tahay ayey dhowr jeer doontu xumaatay,kor u bood,dabaal ma kastaa?,surwaalka laabo oo biyaha debedda u tuur?,

!,dhowr qof oo meel kaaga dhawaaqay ma maqli kari weydaa maxaa kugu si ah? "badda caashaqeen gudhin aday badaye ma og tahay?" laakiin sidii xalay ma aha,ka sokow taa habbeenkii mugdiga ayaa  u weheliya..

mar kale oo uu matoorku damay,
mahiigaan roob  oo dib u curtay iyo duni si kale u eegaatay haddana  qof arki lahaa waxa dhici karta in waxoogaa cabsi ahi nafsadda miskiinta ah gilgisho.waxa mar qudha luntay filashadii laga lahaa in dib loo sii noolaado.

Qof kastaba wuu is dhiibay, waxaana jaaha wiilasha badi ka muuqatay goortaa niyad jab xooggan . In dabaasha la xasuustaa ha joogtee,malaha maanta ayey ku E'g tahay ayaa maanka ragga ka guuxay. yaa nafta la ballamay.cidna!
Si ahaanna waxa rag badan ku maaxayey sheekooyinka hallaagga ah ee ka dhacay badweynta midhatereniyaanka, taa kolka safar la soo muraadayba mahuraanbay ahayd in cindiga lagu soo guntay.dig debci dibna ha u jeesan!

Mar kanoo kale waxa muhiim noqota hal wax oon sidaa xoogga loo saari jirin kolkii dalkii la joogay oo ah dabaasha; xasuusta oo dirqi ku garoocda balliyadii cali dhooqaale,Ina Aamiin,dhaankii Daami,xeebtii batalaale ee  Berbera ku tiil ,Liido oo xamar ahayd iyo boqol sawir oo kale ayaa ku sawirmayey Khayaalka ilbidhiqsi kasta.

inta qof ee soomaali kaga dhimatay badda toban sanadood gudahood ayaan isweydiiyey  waqooyiga Afrika iyo k.yurub ?immisaa se sanad kasta geeska Afrika iyagoo nool haddana dhintay;waxaasoo cadaab ahna sababteeda leedahay siyaasad hilaadin xun?la yidhi {Umaduhu halka ay ka nool yihiin waa hoggaanka sebenkan.}

Maalintaa waxaan u marag furay shuhadadii badaha iyo saxaraha ku naf waayey.waxaa igu soo maaxay fikir kale  in (dhalinyaradu) qaab kale oo beddel u noqon kara caynkaas ku waajihi karaan jiri karo? Xalka la deriskiisa ayaa igu soo dhacay.

Taariikhda kolka dib loo raaco in sidan la dhaamay ayaa ii soo baxday inkastoo duruufihiisa uu lahaa wakhtigaasiba.

Marxaladda haddeer naf hur inay u baahnaydbaa ii soo mudh tidhi,qushigeede in qori askariga soomaaliyeed soo ridayo lagu dhintoba soo kama wacanayn badaha iyo saxaraha iyo dharaaraha qaayo beel ee haddiiba xataa carradii loo dan lahaa la gaadho, haddiiba dalka la hagaajiyo, ma qof kaliya? Baan hoos isu weydiiyey xataa haddii ay tagayso in loo jabhad galo.
Sayid maxamed,sheekh bashiir,Barkhad cas baa isla ilbidhiqsi maskaxda ku soo xaadiray.
Tobanaankii kale ee fikir najaxay baan haddana ku rogaal celiyey,innamadii fikirkoodu siiyey inay soomaalida isu keenaan baan haddana badda guudkeeda ku dersay.
lixdankii illaa siddeetankii sidii la ahaa iyo jabhaduhu siday wax  yeeleenbaan yara qiyaasay ? isku soo geyn anuun kolba hir degayee weydiimaha qaar
warcelin waxa u ahaa ta maanta aannu marayno,kaaga darane saddexda dawladdood ee baddan aannu marayno ku dhow(Malaysia,singapore iyo Indonesia)) laba ahaan baynu dhaannay kolka xorriyadda la eego'na kaba hor qaadaney. kaba soo tanaasulay waxaasoo dhan.haddee pacific ocean ba maan mareenne goortan.haddii Ayaanku igu simo markale se mooji,habeenkaa  badd  aanan aqoon intaan ku jirayo iyo doon baan saarnaa;xaalado isbarkan oo boqolkiiba 20 tahay badbaadadoodu.

Miyaad ku dhiman lafteeda xariijimo isweydiin baa dul hoganaya sidaa daraadeed su'aal kasta waxaan u dhaafay inuu wakhtigu ka jawaab celiyo !.

Habeen iyo maalin ka dib

Safar dheer ka dib,Abbaaro shantii iyo badhkii galabnimo ayaannu soo gaadhnay jiho gudban oo ku teedsan gobolka xeebta waqooyiga sumatra kuna jeeda gacanka bengal.
Qiyaastiina laba saacadood oo ka dambeeyey waxaannu safar kale u guuraynay magalaada medan oo caasimadda  ah.

Hudheelkii batu bersat|| ayaannu habeenkaa iyo maalintiisii kiraysannay.daal dheer ka dib waanakan imika jiifna ee berri wuxuu waagu noogu beryo waa inoo qormadan qormada xigta idam Alle.
           

       L A  S O C O...

Sunday, January 22, 2017

S O C DA A L KII CARRO B A R I ( Qaybta 1aad)


Sida la yidhaa {baqoolka boqolaalka mile ahi waxay ka bilaabmaan hal tallaabo iyo wixii ka badan',‘buuraha xajmiga lehina hal quruuruxa iyo ka badan oo isu tagay mana jiro faras orodka deedamaa hadaanuu orod iyo kadlayn ku bilaabin'},xigasho:Ardaaga Fb S. buraale.

   K U A L A   L A N B U R 

   5:30 Galabnimo

Soddonkii daqiiqo ee diyaaraddu Bangkok fadhiisatay oon cabaar yara jeedaaliyey qaabka dhulka looga shaqeeyey,nidaamkiisa iyo in ay muraayadda hore ee isha socotadu qabanayso iska hagaajiyeen;nashaqadd ashqaraar  iyo il qabad leh buu ahaa,Raxmaankaa se iga og waxa dalkaa iyo dadka gudihiisa ku nooli kala mutaystaan.

Halbeegga aan kolkiiba ku cabbiray waxay ahayd miqyaaskaygii oo uu sees  u yahay tolow dalkan aad imika maraysaa dhalinyaradiisu siday yihiin?
ma jecel yihiin? Ma ku niyad san yihiin? Ma....ma...ma...Dee kollay haa

Kuala lanbur-na waabay kaba qurux badnayd,
Waa magaalo dhanka xorriyadda iyo tamashlaynta hargeysi kaga fiican tahay. hayeeshee nin leh baa dhistay oo ku tabcay.caddaalad in ay jirto iyo wax ay heshiis ku yihiin baan warka ku helay.
Afartan sanadood oo hore soomaalidu inaanay heshiis dhigan waayo aragnimo wixii laga dhaxlay dib u sixitaankeedu waxay ay noqon doontaa dheef u taal jiilka danbe,Maadaamoo midhkaasi lodkayaga iyo lodkii naga horreeyeyba na seegay? Nimaan hal seegin habari may dhalin.

Sharci kooban oo aan bil dalka ku joogo baan madaarka kaga dhufsaday.
bishaa waxay noqotay inaan si degdeg ah uga hollado anoo ka faa'idaysanaya muddada fiisaha ku yaalla oo markii hore'ba ku talo galkaygu ahaa.

Hudheel carabtu lahayd ayaan ku degay kolkii aan habeen iyo maalin degganaa ayaan u soo digarogtay hudheelkii soomaalida(Safari) ,Teman melati. Agagaarka masaajidka Salaaxu diin.
Halkaa soo degitaankeeda laba faai'doba wey ku jireen inaanu habeenkii ku cawaynno oo sheekooyin hodho hodho iyo kaftan la isku xifaaleeyo u badnaa,soomaali iyo makhaayad iyo hawleheed iyo is waraysi xaal Adduun bay iska ahayd,qodobka kale oo ahaa inaan ka helo rafiiq aannu isku sii lug darsanno , thailand tii aan safar ahaan ku soo jiidhey 29kii october ayey kolkii aannu tashanay aniga iyo rag dhowra noqotay inaan dib ugu noqonno,waxa se markiiba soo baxay safar kale oo aannu baqoolno.

1dii nov ayuu ahaa amba baxaygii labaad haddiiba, hawshu aakhirka noqonayso inaan kualalanbur dib ugu soo noqonayno  haddee indonesia inaan Aado sidaa ku guddoonsanno.dabadeedna, sharci iyo la'aantii Australiya  halkaa ka kulaalo warkeeda oo dhanna  kala socdo warbaa se iigu laabnaan doona !...bar bilow ayuu ahaa khadkaasi beryahaa.
Ee bal socodkaygii aynu ku sii dhawaanno:

K U A L A  S E N G O R

kuala sengor waa magaalo qiyaastii dhinaca koonfur bari 57 km u jirta caasimadda malaysia. waana halka socodaalkayga saddexaad ka bilaabmayo.
Laba habeen oo qudha ayaan halkaa ku negaannay sobabo safar dib u dhicis darteed.

Labada habeen ee aannu joognay qolooyinkii aannu la jaarney oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gacanka bengal sheeko badan nama ay dhex marin, waxa ay se ahaayeen dad akhlaaq ahaan dhisan.

       *    *

Gabadh aanu isku soo lug darsnay ayaa iyadoo telefan kula hadlaysa qof sheekadeedii ku soo dartay“naasii gorayaa baannu hadeer cunaynaynaa"
Markaasaan mooday inay leedahay cuntada waxa lagu kariyey naasihii gorayada,awal gorayadu naaso ma leedahay? Mooji.
Shawl “naasii gorayaa" waa afka malayuu .(Nasi Goreng) oo ah bariiska beedka lagu kariyey.

Alxaasil habeen labaadkii waanakan badda ku safarnay..
laashkii yaraayee na gaadhsiin lahaa doonta weyn ayaannu kaga boodney meel dakad ah oo si casri ah loo dhisay,waa saq dhexe oo afarta jiho humaag badani ku jiro,hayeeshee caddo ayey ahayd,dayaxa iyo badda oo isu muuqda habeenkaa waxa igu soo dhacay maansooyinkii gaarriiye  AHUN bayd ka mida,,,,

Ma habeen cadda ahoo,
Balliyada cigaagani
Casuumeen xiddigahoo;
Cirka dayaxi kaa jirey
Dhulka kaa cawaray baa?
Cosob rayska xaadhiyo
Ma gargoorki Ceegoo
Calcalyada barkaday baa?
 
Laakiin halkaa Gaarriye waa Marka,oo beledu soomaal ah,meesha noo muuqataana waa kuala sengor xeebaheedii,qiyaastii lix kun oo mayl bay isku jiraan.labada marxaladoodna way kala duwan yihiin.mawduuca gaarriye waa muxibbo anana waa dhaafidda soohdin iyo u badheedhista bad-Hadda waa bad.

Waxaanan is idhi kolkaad berri gaadho aad dib u faallaysid bal wixii ka soo baxa.midka labaad ee aan ku mashquulsanaa wuxuu ahaa moosidda hammi daad oo ilo kale ka soo burqanayey, illeen adduun hawli kama dhamaato'e.

Habeenkaa waxa safarkii nageeyey ciidan la sheegay inay xuduudka joogaan.isla laashkii baa badda naga soo celiyey.baabuur  yarbaannu ku soo noqonnay dhowr Ringitt oo aan jeebadda ku hayey baan u taagay darawalkii bal gurigii inuu nagu dhaweeyo.

La soco...