Saturday, January 21, 2017

S O C DA A L KII CARRO B A R I


Hor dhac

Daahfurka aan dhamaan waxa lagu ogaadaa u baqoolka dhulka,dhacdooyinka lagala kulmo'na  waxay wadajir sameeyaan waayo -Aragnimo.

mahadhada safar jihadii ay ahayd  jeedaalka arrimo door ah bay hadba xasuustu igu soo mirkicisaa. kolna waxaan faallo ugu noqdaa haddii ba ka dhuumashada xaqiiqada jamhuuriyadda daw loo arko,muxuu yahay soo bixitaanka hadhow, joogtada la dugsanayo biya dhaciisa kama danbaysta ahi?masalan 
dawaldnimada laaxinka ku jira, oo dhalay waxa kan aynu aragno,saamiga cabbireed, qaabkee u eegaan karaan  gaadhitaanka wax la hiigsado.maxaa suurta galiya?:intaa horteeda dhalanteed iyo dhab,ballaysinka oo ah qabashada wixii hawlo muhiim ah;danta shakhsi inay ku jirto danta guud hagaageed, intaa ka dibna ayaanku wuxuu ku baydhiyo  waa meesheed.

Arrintu siday doontaba ha ahaatee,dooxo bari qumman ku beegan ayuu socdaalkayga jihadiisu abbaartay.hayeeshee wareeg 180° Ayuu  amba bax ahaan ka bilaabmaa marka laga bilaabo arlada Afrika.
xagaa,dirir sagaara geedigu inuu lalabnaa baan sii xasuustaa,ka horowna tabaabushaa jirey.kolkaasaa wixii aanan qaadanna sii rabaaliyey.
Alaabtaa oon badnayn waxa ugu roonaa qallin iyo buug.marka laga reebo agabka kale ee aan sitay labadaasaa ugu mudakar sanaa;waxay iigu astaysan yihiin istaraatiijiyad aan kaga gudbi karo ama ku sunti karo laba mid;guul iyo la'aanteed wixii aannu is mudanno ee mahadho ah.waddankaba waan ka guuray bilxaqiiqatan.
Galabtaa aan Hargeysa ka sii carraabayey hirar badan baa ii muuqday,waxaan u eegaa qof waajahaya maayado badan oo nolosha ah mustaqbalkuna u kow yahay,culayska cuf isjiidad awood la mid ah kan diyaaraddu iskaga fur furayso dhulka baan kaga baxay.

                *
Dhawr dhacdo oo is barkan kaba soo qaad inaad igu weheliso safar carro bari ku Aaddan,meelaha qaar se yara adkayso waa  Halis la  jiidhaya'e...
Waa qormooyin maalinle ah oo ku soo bixi doonaa Degel-gayga www.hubsad.blogspot.com

Goor Dhow

                        ***