Monday, January 30, 2017

DHARAARIHII BELAWAN Kalkii 2aad

Inantii xafiiska joogtay ayaann isbaray, warkii  na kala qaadannay,buugaagta sidaan u amaahan karo iyo mudada aan buug walba ku akhriyi karo ayaannu gorfeynay.macaamil joogta ah ayaannu noqonnay.buugaagta aann amaahdo sidooda ayaan ugu celin jirey.
Maalmihii hore buugaagta aan akhriyo aniguunbay igu koobnaayeen,kolkii danbe se waxaan helay dhowr nin oo asxaabtii aannu is barannay ka mida oo dhinaca akhriska xiisaynaya,aadbaan ugu farxay midhkaa inaan helo dad akhriska danaynaya.
Habeenkii markaannu wakhti firaaqo ah helno ayaanu isla yara falanqaynaa buugaagta aannu todobaadkaa akhrinnay.
Buugaag ay iyagu shakhsiyan u lahaayeen oo ay Malaysia kala yimaaddeenna waaban ka yara qaatay oo halkaa faa'ido kale ayaa ka soo korodhay.
Haddii la isku wada geeyo'na dadka soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqnaa boqolkiiba shan ayaa akhriska danaynayey.

Muddadaa aan belawan joogay noloshayda waa markii koobaad ee jadwal aan dhigto boqolkii sagaashan iyo sagaal sidiisa u hirgaliyo,waana markii koobaad ee nolosha macneeda guud aan  wax badan ka ogaaday,ma jiro qof dalkiisa ku doorsan kara dal kale hase yeeshee waa marka kaliya ee intaan indonesia joogay aanay niyadda igaga soo dhicin Somaliland ku noqonno.
Waa marxalad muhaajirnimo,waa marxalad waayaheeda leh,waa marxalad ay xog ogaal u yihiin Malaayiinta soomaali dal kale qaxoonti ku jooga.haddana,waxaasoo dhan ka dib xaqiiqada carro Soomaali ka taagnayd waa mid waxaasoo qaayo beela kaba sii qaaya daran.waa marxalad inanka soomaaliyeed ee maanta dalkiisa jooga uu ka qiima badan yahay qofka baasaboorka qaxoonti kala soo noqda galbeed,waa dal si dedban looga dhiiri galiyo barabaxa muwaadiinta dalkooda caano iyo nabad ku jooga,taa waxa caddayn u ah  kharashka lagu bixiyo xaflado bakhaanbakh oo wax la yidhaa qurbe joog loogu magac daray iyadoo laga yaabo in cusbitaalka Hargeysa daryeel la'aan caafimaad la tabaalaysan yahay.
In hargeysa aan badankeeda biya laga cabbin,,waa dal dhan oo madaxdiisu aanay diyaar u ahayn inay wax hagaajiyaan,dhibtu ma shacabka soo dooranayaa kolkaa.illeen dawladdu cirka kamay soo dhicine shacabka ayey ka timide  «hashu maanka gaddee ma maasaar bay liqday » ayuu arrinku u eegyahay.meel loo socdo iyo qorshe lagu socdona lagama tashado'ba.
odhaah aan af qalaad ka soo xigtay bay mucdeedu ahayd «waxba waa waxba hayeeshee waxba waxay ka wanaagsan tahay lumitaanka rejada».
Sobabta inanka hargeysa ama burco jooga ee waliba lacagta haysta ee ladan haddana ugu dhimanayo saxaraha iyo badaha ma la is weydiiyey wali?

Hooyo soomaaliyeed oo aan maalmahaa kula kulmay belawan waxay iiga warrantay kolkii soomaalidu burburtay inay Yemen u baxday ka dibna halkaa ku noolayd kuna  dhaqnayd iyada iyo reerkeeduba,maalintaa ay ii sheekaynaysay 24 sanadood waxa laga joogay dawlad la`aanta soomaali ku dhacday.waxa ay dhagaysanaysay idaacadda oo ay warkii ku jiraan Somaliland waxay ku niyad samayd bal in uun meel soomaali u bad qabta oo ay mustaqbalka ku noolaan karto ama waqooyi ha ahaado ama koonfur inay hesho.

yemen maalmahaa aadbaa looga soo hijroonayey waxaanay u eegayd mid Amaankeedu soo khalkhalayo.

No comments:

Post a Comment