Wednesday, June 8, 2016

Garashada waxa dan ah;geesta ay tahay in laga eego maxaa inala gudboon?

Murtibaa odhanaysa ‘doqonbaan gu' iyo dayr kala garan mid ay too hadba gees u raacda'.
Horrayso iyo danbaysoba soomaali arrinkeeda kolka la isku soo daro,maanta,waxa uu u dhigmaa‘nin buka boqol u tali''.go'aanka kama danbysta ahi laakiin soomaali buu u yaalla caynka wax la rabo in ay noqdaan.

Is beddelada wakhtigu wado kolba jiho haka asiibeen:mar sida dabaysha xagaa dhinac aan gudbanayn ha ka soo dheceen,kolna sida dhul abaarsaday dhibicda roobka loo fisho ama loo wada dhawro ha u ekaado xaalku in loo ruqaansado hir-doogle,mar kale na sida dhool meel ka muuqda loo saadaaliyo soo dhawayntiisa gaadhitaanka kaa hore oo kaliya.

hayeeshee,dunidu caynka ay tahay hadda;macaamilka guud–danaha is barkan damac iyo doonis garashadood ayey dhab ahaan tahay ka gudubka marxalad baaxaddeed leh wakhtiga kan,ama la deriskood si cilmiyeysan taasay ku xidhnaanaysaa guul iyo la'aanteed maxsuulka soo baxa.

kasokow arrimaha khilaafaadku ka jiro oon ugub ahayne awalba jirey ama jiri kara aadamuhuna ka siman yahay taasi. xujada se  hor taalla maanta soomaali oo Idil xall u heliddeed waxa ay tahay; maaro u helidda dhawr arrimood ha ugu darnaato: garashada ah in la baajiyo dhiigga barbaarta magaalooyinka soomaaliyeed qaar ka mid ah ku qubanaya goor kasta,qaar na rejo beel dartiis uga hayaameen geyigii oo saxaraha iyo badaha ku dhimanaya.iyadoo la wada ogsoon yahay qiimiga maanta qof kaliya dawlad kale ugu fadhiyo muwaadinkiisu sebanka aynu nool nahay.hadda waa ruux qudha–soo taasi kama  dhalan is qiimi tirka aynu qaybta ka nahay...waxa kasii layaab badan in raggii ahaa hoggaanku dan habo yaraato'e ka lahayn samaynta isbeddel baba yaraado'e,saa iyaagaban ku iman hab sax ah.‘alif kaa qaloocmaa albaqruu ku dhibaa'.
dhab ahaan madaxda oo inaga xumaata soo inagu ma aynaan keenin oo nadaamka qabiilka kuma ay iman ? Yeelkeede Isku geyn wixii gallad iyo la'aanteed lagaa arkaa waxa weeye in wixii inna gaadha ka qayb galkeen dhaqayadeed maalnay.

Laba saddex arrimood baa se xal ahaan ugu muhiimsan oo ay kow ka tahay ka tanaasulka qabyaaladda.25 kii sanadood ee soomaali dawladnimada ugu horreeyey kolka halbeeg laga dhigto 60kii ha jiraan hawlo dhawr ah oo horumar baaxad leh laga gaadhay.hase ahaatee,waa la dareemi karaa sida aynu laba aan islahayn isugu soohnay.25 kan sanno ee danbe ee lakala lusho na dhibkaba waxa keenay uu yahay dulmi qabyaaladeed qof walbana dhibka guud ee dhacaa ha ogaado inuu si uun u saamayn karo.
Ugu yaraan bal qof kasta halkiisa haku xakameeyo bahasha caynkaa inoo qiimo tirtay,codkiisana ha ugu hiiliyo cadaalladda,hadhowna u gudbi doonta umad soomaali ah oo milgo,cudud iyo sharaf leh,dabadeedna loo helo qaran soomaaliyeed oo awood leh.
Arrinta kale ee iyana la samayn karaa waxa weeye in la isaga yimaaddo,qaybaha kala duwan ee shacabka iyo dadka wax bartay;si gaara ah dhalinyaradu ha ugu horraysee oo  wax badan isa su'aalaan oo la yidhaa maxaa inoo dana,maxaa se inala gudboon intaasoo kacaakuf ah ka dib.ogow haddii ba aanad qaladaadka aad guul darrada ka dhaxashay ku barin waaya aragnimo aad kaga gudbi karto dersigaa waxba kama aad dheefin,kolka laga gudbo na waxay tahay in laga jibbo keenay.

“wax la gaadhay qaraar ah in aad dhayda qubtaan ama laydin ka qaado
qaldane aan wax ogayn iyo qudutaabac wareersanoo
U qabbaana daraan qaradeenaba joogin baa qonof idiin dhigayoo
baabi'ntiinna u qaybsan qaar-siyaasi qarsoon iyo xidhiidhin aad u qaboow baa

laysku qaarijiyaa  hadana laysku qoslaa..." Gabayga aan qaybta idiinka kasoo garoocay(dalku qaalisanaa)waxa tiriyey maxamuud cismaan(fooldhuub).

     
                       Waxa diyaariyey:  Xamse cabdiqaadir
                       
Xamse047@hotmail.com

27Shacbaan 1437
Jun 2 2016
Riau Islands Indonesia
Wabilaahi  tawfiiq

Soo noqod wanaagsan


Bilowgii xagaagii kal hore (2015)ayaa ugu danbeeyey goor aan kobtan soo dhigo qoraaladii aan awal soo dhigi jirey.qoraalkii aan xamar ka diyaariyey oo laba xalqadood oo qudha ah ayaan ka baxay badweynta qalinka,waxaanan  u baydhay badweyn kale oo mashquul adduunyo ah.illaahbaa mahad leh maxamedbaa nuur leh.

Hadda iyo wixii ka danbeeya ,waxaan isku dayi doonaa inaan waxoogaa karaankayga ah soo dhigo  haddii Alle swt idmo.

Xamse cabdiqaadir
Wabilahi tawfiiq