Monday, June 1, 2015

Socdaalkaygii xamar Q2aad

Muddadii ay dagaaladu ka jireen magaalada waxa gaadhay burbur fool xun.dal bur bura waa la dhisi kara hase yeeshee, dad burbura oo kala yaaca sidii tusbax la furay in dib loo kabaa way adag tahay,waxay u baahan han sare.
Cidda Dadka maatada dushooda ku laacdamaya qudhooda kama duwana  dugaagga,saa dugaagaan denbi lahayn.
xamarcaddey waxay ka mid ahayd caasimadaha afrika la majeerto si haddii loo eegona ugu quruxda badnaa.

caddaan ha joogee muuqaalka guryo badi dumay ayaa sii muuqda qaarna daldalooshameen,daar kastaaba waa dhufays ama hadda ayaabay tahay, saddex dalool laba daloo dhismaha waxa ku dhacay burbur , nolol aflaanta uun suurtogal ka ah cawribaa ku dhacday baan is idhi.
Dhanka eegmada magaalada si hadaad ugu fiirsato waxaa laga dareemi karaa muuqaalka sii shiiqaya ee raadka taariikh iyo,ilbaxnimo muddo soo taxnayd oo sii libdhaysa,ma garan karo in jamhuurka  ku nool iyo malyumaadka si uun uga firdhaday taa ku raali yihiin ama raali ka ahaayeen inta sidan wax noqonayeen ,inaanay dan se ka lahayn ayaa muuqataa.
waxa ugu qaalisan oo ah nafta lafteeda kol hadaan la hubin meel lagula cararo,daqiiqad kasta oo qofku dhiman karo,Xaqiiqo na ay tahay in xabbad ama qarax sababsan karo.
wax kastaba ha joogee taa mar hadaan la badbaadin,macno badan oo jamhuuriyadd dhan burburinaya lagaga gaashaantaa meesha ma yaalo.
derbiyada casuusta  leh iyo wadooyinka haadadka balbalaadhan iyaguna door kale uguma fadhiyi maayaan haddiiba aanay ahayn dul saar [cabdoo aayar xisaab].waana dhibka ugu weyn ee waddaniyad la'aantu dhashay.

Madaarka.

dhulku haddii uu ahaan lahaa qof inaan laabta galin lahaa iyo inuu laabta ila boobi lahaaba, horta ha joogtee kulaylka ayaan soo dhawayn ku filan.
Gudaha aqalka dadka dhoofka ahi ka soo galaan ayaan soo abbaaray markaasaan waxaan soo galay  aqal weyn oo dad badani ku xoonsan yihiin.
Oday askari ah oo aan tin madow madaxiisa lagu ogayn ayaa ku dhex  jirey mawjado dad ah oo qaarna xagaa u dhaafayaan qaar kalena xagaas u socdaan;waxay u eegyihiin duul qiyaastii arlo dheer u hayaamaya. isna wuu kala hagayaa intaa sida taraafikadu baabuurta u kala hagto .
Waxa dadka ku dhex jira dadka xaamaaliga ah ee quutal yowmka kala soo baxa kolba qof ka ay shandadaha iyo alaabada u gaadhsiiyaan illaa afaafka laga baxo.
Waxaa iyaguna jooga qolaba aan intaa toona ahayne hadba qofka wax ka qaldamaan ama dayeysan tilmaama oo waxoogaa lufluf ah ku qaba.way adag tahay inaad ogaato qofka sarkaalka ah, qof waliba waa sarkaal ama ugu yaraan waa taliye
Kol hadaan nidaam jirin wax walba filo.
daqiiqadaha aan ku jirey waxyaabaha aan la kulmay haba koobnaadaane waan hubay inay si uun ii caawin doonaan, kana shiidaal qaadan doono inaan fahmo sida jawiga magaaladu yahay iyo nidaamka loo nool yahay.

Bixitaanka ka dib

Daqiiqaddaan baabuur yar gundhada u galay iyo markaan gudaha ka soo baxay wax badani uma ay dhexeyn.
Dhawr dhadhaar ayuu baabuurkii ka soo dhex dusay.haddana,kuwo kale oo malaasan oo meel halkeera yaalla dhinac ula weecday.
Gidaar walba waxa ku nabnaa niman askar ah oo aan laga garan dhagaxaanta madmadow ee reer miyigu dheriga ku dhardhaaraan,dhanka xooggana u eeg jeer biyo ka dharagtay.

Cadowtooyo badan baa ka muuqatay jaahooda,mayee waajibkooda ayaa sidaa ahaa.shaki badani igama se galin inay yihiin ciidanka ajaanibka ah la sheegay inay dalka ka hawlgalaan!
Inay dadkii dalkan lahaa kala ilaaliyaan!.
Oo ma darka kalaa dhaama soo iyaguba shisheeye uma qayshan,soo dabeetana gar iyo garawshiyo la iskama waayin.
La sheeg 'in maalin maalmaha ka mida taangiyo ciidan oo qolooyinkan madow ah,iyagoo waddo maraya wiil dhalinyar ah oo meesha iska maraya intooy madaxa ka toogteen, meydkiisii ka talaabsadeen'.laba cali isma weydiin baa la yidhi.
Midhkaasuun ma ahee waa boqolaal inta tabtaa ama tabo kale ku maqan.ka ugu wacan inay yimaaddaan ee soo hoggaamiyey soo kama danbi badna?
Askariga afrikada madow ee kale ka yimi qudhiisu musharada yar ee uu ku qaato laynta maato soomaaliyeed wuxuu ku quudiyaa kollayba maato kale oo madow afrikaan ah.
Godobtaa yaa dusha laga saarayaa kolkaa?

Waa Meceeshad lagala soo dhex baxo dhadhaab shuban iyo dhiig dhexdood.