Monday, April 27, 2015

Socdaalkaygii Xamar

 
'Imika hadda waxaan ka soo maqanahay muddo laba iyo toban bilood oo gaw ah  ,marna fursad umaan helin inaan wax ka idhaahdo waxyaabihii aan kula kulmay intaan xamar caddey joogay.
Haddii la i weydiiyo muqdisho ka warran?siday tahay?maxaad ku soo aragtay?
"Muqdisho haddeer bay ugu rajo roonayd; waxaanan rajaynayaa in ay ka sii wanaagsanaato mooyee aanay hoos nabaddu u liicin,ta ugu muhiimsani in ay tahay ilaalinta caddaaladda.
Qofba si u dareensan yahayba in la xasuusnaado in dalka la wada leeyahay;loo siman yahay oo  xamarna ay dhex u tahay.
Xumaan iyo samaan maanta waxa muqdisho ka socdaa hubaal waxa ah inuu saameeyn ku leeyahay qofkasta oo soomaaliya si uun...".
     
26-27 kii bishii afraad,markii aan Hargeysa ka ambabaxayey ee aan ku sii jeeday muqdisho waxaan la jaar ahaa dareen  farxadeed mid raynrayn leh oo aan la soo koobi Karin, mooji waxaan sidaa ugu sii  ahaa socdaal aanan hubin halka uu ku dhamaan doono iyo waxa ka soo bixi doona toona . Boholyow kasta  oo aan qabo waxa si habqan leh u dhabqinayey dareen baqasho leh.farxad iyo murugo isku lammaan.
(Nabadda ayuu nin laba nin le'egyahay),colaaddana immisuu le'egyahay.?
Waxaan maskaxda sida canjaladda ku soo koobay muuqaal kasta oo xamar leedahay: daawasho, sheeko, cishooyinkii ay nabadda ahayd, noloshii liibaanta iyo run ahaan maalmahan danbe.
Waxaan maleeyay siday xamar noqon karto dhab ahaan ama u eegaan karto;xaqiiqadu se aad ayey uga duwanaatay waxaan sii malaynayey:

Muraayadda dalka

Muraayadda dal kastaa waa meelaha laga soo galo sida gegooyinka diyaaradaha , dekedaha/marsooyinka iyo irridaha ku yaalla xuduudaha ee dalka laga soo galo.
Waxa intaaba baro dhaafiyey:warbaahinta kala duwan oo ah laxaad,hadduu kaasi liicona aan la'aantii socod la tahli karin.
Warbaahinta oo si ahaanna u ah awood uu qaran kastaa ku tamariyo, ku burburo ama ku dhismo.

Mid ka mida muraayadahaas ayaan ku soo beegmay goor cadceeddu badhtanka joogto.dadka badankooduna ayba hadh galeen badhkoodna ay hadhimo doonteen,halka badhka kalena duni kale u hayaamayaan,gegida caalamiga ah ee Aadan cabdulle cusmaan weeye goobtu.
Yaa dhulka hooyo kolba gees u hadaafa ayaad hiyiga iska weydiinaysaa.
Yaa ku daanshadaanshooda oo hadba deegaan ka soo dooga.
Yaa ku nabnnaada oo dareema macaanka meesha uu illaahay kaaga uummay dhulka oogadiisa?.
Laba saddex dhacdo oo aan mid dhan ka eegi doono ayaan badh idiin ka soo garooci doonaa haddii Alle idmo
...........La soco