Sunday, June 15, 2014

Wuu ii dacwoonayaa W/Q: ibraahin xaaji cabdi




Goortu waa habeen badh;ciddna ma socoto xilligan. Cagtunna wey  go’day,  mid mirqaansan iyo waxaan dhaamin baa jaanta rogay.  Laakiin waxa iyada oo dumar ah soo saaray kollay waa wax culus ayaad is odhanaysa. 
Waxay fadhidaa fiyaaradda horre ee aqalkeeda, waxayna u eg tahay qof murugaysan oo madluusan waxa heleyba mooyi!
Magaceedu waa hodan, qoys fiican ayay ka soo jeeda  oo ay hayntooddu wanaagsan tahay. Waxay ahayd guri-dambays la jecel yahay  oo la koolkooliyo, kurba iyo dhibna laga ilaashay.  Abidkeed baahi kumaysan seexaan; gaajana waa ugumuu baryin. Hase ahaatee, dhulkii ay ku dhalatay ee rabbi ku uumay  ayey ugu necebayd dunida ku noolaanshihiisa. Hadh iyo habeen way hiifi jirtay  geyiga guulle ku beeray. Waxayna ku tilmaami jirtay  god madow iyo goob baas, aan galinna loo hoyan Karin. Ilaahayna waxay ka baryi jirtay in mar uun uu ka dhaqaajiyo meeshaas.
Inkastoo  ay ku guul daraysatay isku dayo dhawr ah oo dhoof raadis ah haddana marna kamay quusan, hawaddii qurbaha ee haysay illaa yaraanteed sababtoo ah waxay ku garaadasatay iyaga oo kolba dalalka jaarkooda mid u guuraya, si ay reerkood u aadan dibadda. Markii ay kortayna way ka sii darteyba.
Gashaanti guudka fidhata ayey ahayd oo rabbi ku galladay qurux, Joog iyo jamaalba, dheg iyo dhabanba. Oo ay dhallinta gadaheedu baadigooban.  Qaar u soo badheedha  oo ay diiddo iyo kuwa bidhaanteeda ku diirsada o aanay dibnaha  u kala furinba. Waxa kale umay dayrineyn da’yartaas ee dookheeda oo ah nin qurbo ka yimi ayey noqon wayeen, sidaas darteed umayba juuqi jirin kooxahaas, siday is lahaydna waxayba is moodaysey inay ka han weyntahay iyagga.
Waxay sidaas ahaydba, maalin maalmaha ka mid ah, ayey u soo raacaday hablo ay asxaab ahayeen oo ka qalin-boganaaya dugsi ay ka baran jireen luuqadda ingiriisida. Markii in muddo ay socotay khudbadii ayaa madaxu ku xanuunaya hodan, markaasay iska soo baxday si ay u yar laydhsato.  waxayna fadhiistay geed weyn oo ku yiilay huteelka. Waxa yimid nin da’ dhexaada ah oo ayna garannayn kaas oo ka codsaday in uu  la wadaagi karo miiskii ay fadhiday, si fiican ay ugu soo dhaweeysay iyada oo iska ururinaysa garanna la’ ninka u jeedadiisa. Xooga markii la wada joogay ayuu ninkii magaciisa u sheegay , bilaabayna inuu is baro cidduu yahay. Wuxuu ugu nuuxnuuxsaday inuu kasoo kicitimay xaggaas iyo landhan, in muddo ahna joogay, ahaana guur umeer, jecelaan lahaana innay is bartaan. Kolkii ay intaas maqashay ayey maanka ka faraxday, Si wanaagsan uga gurtay warkii. La kala qoray lambaradii si  gacal tooyana la isku nabadgalyee.
Habeenkiiba  la soo wada hadal, halkiina sheekadiina laga sii qaad. Markii waqti aan laba toddobaad ka badneyn  la wada hasaawayey  ayey go’aansadeen inay is guursadaan oo ay guri yagleelaan. Lacag aan yareyn  ayuu ka bixiyey, dahab iyo doolarba wuu u xantoobiyey soddohdii iyo walaalaheedba. Rayn rayn iyo farax ayaa xaafaddii dhex dabaalatay. Huteelada magaalada kii u qaali sana ayuu uga tumay habeenkii arooska.
Laakiin iyada waxaas oo dhan waxa uga faraxda badan, meesha ay sawiranayso oo kolkii ay barateyba waxay ka caweys iyo ciyaar tumanaysay carro ingiriis. Waxay niyaadeeda iyo nudaygeeda u sheegaysay inay cisho aan fogay ka duuli doonto dagelkan habaasku darmada u yahay qoraxdan kulul iyo dihaalkan hawada. Waa iyadda garashadeed.
Ayaamo qurxoon oo qadarintooda leh heshay, aqal kala jiidan u kiree. ha yeeshe, ku laabay kobtuu ka yimid. Iyadana ku taabay inuu kaxaynayo xilli aan dheerayn, unna maqan yahay iyadda iyo ilmaha yare e uurkeeda ku jira. Ugu yaraan ayey is moog yihiin xilli aan ka badnayn bilo.
Mudaddii uu  saygeedu ka maqnaa sannaddo badan ayaa ka soo wareegay.  hodan  kali maaha imika waxa ku lammaan wiil keeda curad ee  cawaale. Waxa aan telifoonka ahayn kumay kulmi jirin, jeer kaasna wuxuu ku maaweelin  jiray been. Innuu  kaxeeyo oo ay  meel  wada daggaan daayoo, waxa ugu dambaysay markii ay gagida diyaaradda u sii dhaweysay araggiisa oo hadda laga jooga lix sanno. Xagaa  kastanna wuxuu u sheegaa innu u immaanayo. Laakiin se kama dhabeeyo dhawaaqa ka soo yeedha.
waxa ay u  adkaysan jirtey noloshaas, waxayna laabta ku  haysey inay iska furi doonto,kolka ay  dhoofto.  Taasina inay  beenowday ayey u egtahay. Waqtigu waa isgurayaa, wuxunna milaygu baarka ka jaray lix gu’ iyo billo . 
Sidii ay moodeysay noqon weyday. Dusha waxa ka fuulay xilkii hooyonnimo iyo kii aabbonnimo  labadiiba. Xarragada wiilkeeda, xanaanaytiisa iyo xanuunkiisaba cid uga  gargaarta weyday, Iyana awoodaba malaha oo korinkeedii horreba waxay ku soo qaadatay ha dhicin ha jabin. Kii ay ka sugaysay inuu kaaliyana yurub buu tamashleynayaa.  Caawimada hooyadeed mooye shaqsi kale kama hesho taas oo xaddidnaa, waayo hooyadeed da’bay ahayd, iyadaba ku dhalmo daysey, cudurro kalena wey u dheerayeen.
 Haddaba waxa caawa dibadda dhigay malaha waa arrimaahaas oo walwal iyo walaac ku hayey.  Tolow ma su’aallo ayay si weydiinaysa?.  haa wey is weydiin karta, oo maxay is weydiin karta horta, mooyi! Laakiin dee wey u muuqta qof murugaysan oo is la hadlaya. sax, kolay waxay is weydiinaysaa:  horta miyaa lagu qabaa oo ninbaad xilihii iyo xaaskiiba tahay? mise inannimadii uunba laga ciideeyey? .
 haa   marwo Ayaan ahay  inan raggeed  aqoon daran u dhaxday oo waliba u  haysa wiil .  Oo haddaa maxa ammintan  ku kuduudiyey cidlada. Gabaahiirtan waxa I dhigay  ninkaygiiba  waxa iigu dambeysay  markaan laba bilood wada joognay. Oo intaas oo dhan xaggee buu ka aaday oo dhintay?. Maya waa ku sidee qof dhintay waa laga samraabee, wuu nool yahay wuxuuna jooga  meel la yidhaahdo landhan. Muxu ku qaaddii wayeey? Mooji!. Oo hadaa muxuu duuddub kugu  siin wayey dalaaqtadii oo dhan?. Anaab ka codsan inu ii siiyo warqadayda. Hadda maxaad la cabanaysa oo  ku ciil kanbiyeya?.  Isagiiba I furay caawa.
Hodan waxa kale ma helin oo iyada oo muddo sugaysay kuna qanacsanayd dulmigaas ayuu fiidkii caawa  u sheegay inuu furay oo aanney sugin. Waxay ka gam’i la’dahay gorodkan la’ladiinaysa  lana gunuusaysa ninkii ay lix sanno sugaysay ee aanay marna hadal  xun odhan, ee ayaar  iska taga ku yidhi.  Maxaa waalay iyada  haddeyba dulmiigii  ka baxeysaaye oo gunnimadii ka dhammaaneysay, gobannimadii u soo noqonaysee.
Sidaas maaha hodan, waxay ku qalbi  fayoobayd, inay tidhaahdo saygaygu wuxu ku maqan yahay qurbaha aniganna wuu ii dacwoonayaa, dhawaan waan dhoofayaa. Tiiba gabal u dumay oo ay  ka muraar dilaacsan tahay kana  madoobtay Xilliganna halkaas  fadhiisisay.

W/Q: Ibraahin xaaji cabdi tallaabo