Friday, April 25, 2014

ISMA DHAANTO IYO DHASHEED IGA DHEH! W/Q:Khadiir Maxamed nuur




Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah dhex martayna  wiil iyo gabadh wada dhigan jiray jaamacad isku fasalna ahaa.haddaba shakeeda oo dheerayd isla markaana aan lagu soo koobi Karin qoraal waqtiga ay socotayna uu dheeraa waxaan isku dayeyaa in aan soo koobo oo aan ka soo qaato dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee dhex maray .
Waa badhtamihii bisha December waxaa furmay oo loo balansanaa gudo galkii semester kii  koobaad ee jaamacada jaamacadda, waxa uu ka mid ahaa ardaydii ka habsaantay is diiwaan galinta jaamacada sidaas darteed wax ay jaamacadu bixisay (crash program semester one) sidoo kale muna iyadna waxa ay ka habsaantay is diiwaan galnta sidii Axmed haba kale duwanaadaan sababaha ay uga habsaameene.
Waa maalin sabti ah wax la joogaa jaamacada oo la sugayo inta ardayda cusub la geeynayo campus u gaarka ahaa ,isla markiiba waxaa indhaha Axmed ku dhacday muna oo ah gabadh uu ilaahay u dhaliyey xarago iyo quruxba, Axmed”allaa gabadhu wacanaa oo qurxoonaa waabay maraysaa”waa hadaladii ka soo yeerayey qalbigiisa lkn si dhib yar ayuuu  jaleecay oo ismuu lahayn gabadhaaas ayaad is ku fasal noqonaysaaan.
Wax la joogaba xafiiska registration ka hortiisa waxaa loo kacay  dhinaca fasalka illayn qadarka cidi ma ogee Axmed iyo muni wax ay markale iskaga oo hor baxeen fasalka oo waaba isku fasal imika,dhamaantood waa dad wada mashquulsan oo ku wada foogan diyaarinta duruustii ay seegeen waxa laga doonayaa in ay muddo kooban ay ku dhameeyaan semester ka
Wax la dhigtoba oo safka hore la is qadimaba oo daacad la ahaadaba , waxa ninkii Axmed ahaa oo isagu ka mid ahaa kuwa safka xaga hore fadhiista uu ka dhex baxay yartii muna oo wuuba la dhacsanyahay  tallow muxuu ku arkay ma dusheedaa malab loogu daadiyey ,wax uu la ashqaraaray muna oo iyadu ahayd gabadh uu ilaahy ku nimcaystay qurux mid ay gabadhi leedahay ta ugu qurux baddan joog dheeri iyo jidhba isku darsatay miyaan dhamayn karaaba sifooyinkeeda .marka lagu daro inanta oo tacliinta ku fiicnayd mar walba haddii uu maclimiintu su’aalo waydiiyaan ardayda gacanteedu way taagan tahay.
Yarkii oo isagu baryahanba la seexan waayey wax uu arkayo dee miyuu la hadli karayaa oo wax uu u sheegi karayaaba marka uu arko ayuu candhuufta dib u liqayaa oo uu gariirayaa sidii koronto lagu qabanayo markay dhaafto ayuu ciil iyo farxada yidhaahdaa  “talwo ma xuuralcayntii janadaa  mooyi, istaafurulaa mooyi”.
Axmed markii ay talo ku ciirtay oo uu jiif daayoo jidiinkiina go’ay ma seexdo aroortiina fasalka cidi uguma soo horayso tallow meesha miyuu seexdaa mooyi garan mayno , waxaaba kaaga daran miskiinka intii hore daacadbuu ahaa oo waxbaabu dhiganayey laakiin imika wax kale uguma soo horeynayo faslka wax uu rabaa sidii uu marka ay muna soo galayso isha ula sii yaro raaco inuu wax qor goor ugu danbayasay mooyi intaa wax la dhiganayo isagu wax uu ku maqan yahay midi uu la dhacsanaa waa muna ,ayaan daranaa haddii aan lugula ogayn jacaylka oo uu kali kugu yahay .
Lala yaab oo la qoonsay “waar saaxiib maxaa sidan kuu galay maad xanuunsanaysaa baryahan caadi ma tihid waxba xitaa ma qortid”waa mid ka mid ah asxaabta ay Axmed  is barteen magaciisuna waa Guuleed ,Axmed wax uu ku jawaabo waa garan la’ayahay “talaw ma u sheegtaa armuu isagu kaaga horeeyaa gabadha war mayee ninkuu waa saaxibkaa ee arinka u sheeg waa intaasu talo wacan ku siiyaaye”waa ereyada Axmed qalbigiisa lulaya .
Wax uu sameeyo markuu garnwaayey saxiibkiina uu jawaab ka sugayo ayuu isago oo ka baqaya in cidi maqasho oo haddalka gaagaabsanaya uu u sheegay saaxiibkii arinkii uu baryahan kalida ku ahaa.
In layn waa gad lagu yaqaan saaxiibtinimadee Guuleed saxiibkii niyada ayuu u dajiyeey isagoo u sheegay in ay arinkaa dhamaynayaan oo aanu isku mashquulin isagoo leh “saxiib waxani waa gabadh la isma raaciyo ee iskadaa waynu kala tuuraynaa arinkee bari baad arki iyadoo ku daba guuraysa sidii shin malabkeediiye ragganimo muuji saaxib waa ku side” walee nin la sitaan waxaa dhag jalaq u siin waar waa goorma ma inta mid inkaaran la waayi maayee uu haf la odhanayaad sugi ayuu  niyada ka idhi waar sheekadaasi waa tii odhan jirtey “waad qaboobiye qunyar soo soco “ kaw walee waanan sugin arinkaa , laakiin goor ay ahaataba maruunbaan isku qarxinayaa .
Naf wax jaceli waatii ma xasiloonee wax uu ninkii uu gabdhii uu dushaa ka ilaashado oo uu kolba kii la haddlaba yiraa tallow muxuu waydiinayaa ma eegtaa wax uu ku leeyahay oo ma ag istaagtaa haddana gadaalbuu iska rogaa oo bal haddii uu arimo jacayl kala haddlayo oo aad maqasho maxaad samayn kartaa ma waxaad odhani maxaa kuu geeyeey jacaylkayga naw !!naw!! waar waxaa kugu filan maxaa kaagalay adiga , naf wax jeceli fulaynimo baddanaa waa tii oo kale , oo shaki iyo khaakhaayiraad baddanaa,
Wax uu ninkii uu kolba arday ka shakiyo oo ay ardaydii baddankoodii coloobeen ilayn cid walba waakan ka shikiyayee , ilayn ninku shakigiisa waxbaa ka jiraye wax uu ku hanba barey iyada oo la sheegayo in gabadha muna ay arini ka dhaxayso Guleed. Waa  saaxiibkiisii dadba ugu xigay .
Ninkii Axmed talo ayaa ku ciirtay. niyad jab weyn ayaa qabsaday oo wax uu bilaabay in uu naftiisa canaanto “maxaan mar horaba ugu sheegan waayey aheeey ah illayn doqoni calaf ma leh isagoo jeeda naftiisa, illayn saaxiibka waxaynu ku ogayn daacadnimo balse wax uu igu noqday maskii I qaniini lahaa wax uu bilaabay in uu baadho sababta ay muni ku raacday , wax uu baadhoba wax uu xaqiijiyey in ay gabdhu misna ay lacagta qadriso oo ay ka hesho ragga lacgta haya iyo baabuurta maadaama uu Guuleedka dhashay qoys lacag leh oo uu u huri karo lacag inta uu doono xabad yar oo baabuurana uu jaamacada ku yimaad waxaase ka daran tan aad u dhimanaysid ee misna mid aan danba ka lahayn afka hoos haysa, aar yaa laaya dhamaantood waa waxaaso kale wax ragga niyada ka jabinaya .
Waaxaa ku soo dhacday ba ka mid heestan
Qalbi kuu hilooboo
haween kaaga soo go’ay
inaad hawsho mooyee
uma hagar baxaysidee …..
huqduu caashaq leeyahay
 iiga hiilin wadaye
dookhaygii kaa helay
kahadh buu ileeyahay
habaqaadka ruux jecel
marbuu hagrdaa waqtigu
marbaad hoodiyo nasiib
ku  heshaa sadkaagee

rajo kumaad hungoobine
naftaydaay hubsiimiyo h
indisiyo lahawo samir
hankaagana ha weyneyn…”
imika iyo haatan axmed wax uu ugu neceb yahay in lagu soo qaado gabadha muna xataa magacaa qofka leh ayuu xasaasiyad ka qaadaa waxaanu go’aansaday in aanu mar danbe xasuusan oo uu niyadiisa ka saaro in ay gabadhaa wax dhex mareen iyo inkale.
W/Q:Khadir Mohamed Nour (DHIMBIIL)
4/15/2014
Email :saadiq010@outlook.com



jacayl jaar joogsan waa W/Q:Muxyadiin maxamuud maxamed

Waa galab cad ceedu badh godka la gashay jeexa kalena ka soo jeedo godka , lahayna kul badan oo wax guba cirkuna  caad daruureed ku xidhan yahay oo roob goor dhawayd biyo dhigay ,saxasaxada dabayshu   qaadayso  udgoonkeeda  aad  laraacayso sanka ayey galbtaasi  ahayd.dabadeed axmed waxaa uu u soo baxay xagaa iyo suuqa,wuxuu jeclaysatay galbnimadaa wacan  inuu la soo qaybsado saaxibadii intii uu socday wadada  waxaa uu isha la raacraacayay dadka iyo qaabka magaalada hargeysi u eegtahay galabtan wacan .
waxaa si lama filaana intii uu socaday isha ku dhufatay  innan soo socota wadada xaga hortiisa ee quruxda galabtaa nasiib ka u yeelatay  in ay la qaybsato shacniga,quruxda ,galabtaa .
axmed hore ulama hadli jirin gabdhaha oo waxaa uu ahaa mid ka xidhxidhan dhankooda, inantanuu doonay inuu la hadalo .markay soo dhawaatay isagoo isla maqan buuku yidhi “innantaay walaal” . inta  hoos loo eegay ayaa lagu yidhi  “what”. “ma “fiicantahay” “wacan’  lasma dhibayee hadal gaaban ayaa  loo dhiibaya .
axmed oo hadalka hagaaji qalbiga iska leh  “ma horaadd u socotaa”  “haa”  “galabta shacnigaagii ayaa dibada u soo baxay galabta”  “waad shidantahay walee” .”inana wacan baadtahaye”  adigaa iga darane “ “ma meelahan ayaad gashaan” “ maya ee ayeyeday ayaa xaafada gasha oon soo gaadhay  anigu waxaan gala xafada xidigta”. Adigu imaadan sheegin  halkaad gasho”  “oh waan hilmaamay sorry waxaan gala isla xaafadan aanu dhex socono  waana sekadaanu soo dhaafnay guriga u soo sokeeya ee albaabka iyo daaqadahaba blukiga ah” waxaa  la soo gaadhay suuqa oo ay ka raacaysay gaadhiga tagaya xaafada ay daganyihiin asma  . “waxaa lasoo gaadhay waqtigaan tagayeye ee barasho wanaagsan iyo is arag dambe” “laakiin nabarkaaga imaad sheegine” “waa 063-979800” “waan gartay” , ana nabrkaygu  waa kaa ku soo geli doona” isagoo farxsan ayuu soo laabtay kuna soo noqday saaxibkii uu markii hore ku fikirayey inuu la soo qaato waqtigan wacan una sheego galabta  wixii uu la kulmay ee uu arkay .markii uu soo gaadhay  axmed saxibkii khaalid isagoon fadhiisan ku dhagay ku dhuftay intii uu wadada ku soo jiray wixii uu  arkay. isagoon waxba uga tagin khaalid, axmed wuu garanayaa in aanu hablaha lahdilne beentii ayuu moodayaa, laakiin waxaa uu arkay telefoon nambarka ku jira mobilkiisa iyo magaca ku   save-garaysani ee  uu ku maqanyahay .ka gartay in axmed la qaaday oo arinkiisan la sahashan Karin .intii uu ku maqanaa telefoonka ,waxa garaacay  oo gacantu kaga dhacaysaa Khalid.  Axmedna wadanahiisa garacaac uu samaynayo 12 talaabbo  ayaa laga maqalayaa  dhididka ayaa ka daran oo ma aha mid mobil ka sheekeeya ,waxaa baxay codka asma oo cabaar cidii garaacday ka cadhaysan oo mooday in lagu ciyaarayo . ayuu hadalka kor uqaadaaya oo odhanayaa “asma miyaa codka baxaya” marku gaadhay garatay codka baxaya  “ma axmed baa”.
axmed baqasha naftiisa gashay iyo xishoodku wax ay gaadhay heer uu gaangi aanuu lahayn yeesho oo hadalkiisa garan weydo wax uu ka hadlayo  iyo waxa uu damacsanyahay axmed .asma garatay inay sheekadu u cusubtayahy hoosna ugu dhigtay  sheekada waayo-argnimo iyo haybad akhlaaqdu ku dheehantahaye alle siiyaa dad intiisa kale ka saraysiiyay oo meelo kale oo uu garanay uganaayo uga sheekaysay iyo su aalo yaryar   axmed si caadi ah ula hadalay Asma caweyskii .
maalimihii xigay si aayar aayar ah ayaa loogu fidaayay axmeda haddaba habeen habeenada ka mid ah isagoo qaadaaya hees heesaha soomaaliga ka mid ah:
 {yaa leylaa leylaa.
 ladi waayay la’aantaa leylaa.
 Laamasho lof jecayl baa
 laabta jiifoo loodin-waayey leylaa.
lahashadaadaa laygu laaqay leylaa.
leylkiibaan soo labdoodoo
laamo ubaxbaan kuu lulaa leylaaa.i}

  la soco…

Thursday, April 24, 2014

Tobanka qodob ee wax soo jeedinta W/Q; sakariye faysal waddani


Xirfada cod karnimada iyo aftahanimadu waa wax ku abuuran gudaha qofka billi-aaddankaa oo ilaah haybad u siiyay.balse, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa toban qodob oo aad ku kasban karto dhageystayaashaada marka aad wax soo jeedinayso. Waxaana ka mid ah :-
1.      Ha ka dhigin soo jeedintaada mid aad u dheer.
2.      Ha ka faaloon wax ka badan afar ama shan qodob.
3.      Yaan lagugu arkin qosol xad dhaaf ah iyo cadho toona.
4.      Ha u taagnaan sidii qotin meel kali ah. Laakiin, same dhaq-dhaqaaq sida:-{gacanta oo kor u qaado, ama adoo madaxa dhaqaajinaaya iwm…}
5.      Ha ka ku hadlin cod qudhaata{kali ah}. Balse, badal qaab dhaca codkaaga. Mar dalac, mar hoos u dhig marna xanshaashaq.adoo ku daraya hadalo kul-kulul, waano ama hadalo cad-cad. Islamarkaana meel u yara banee {yara aamus, hadana bilow…………}
6.      Ha isku dayin in qof kaa jeesto ama meel xoqdo. Isticmaal hadalo culus oo ku saabsan dhankooda, sida maahmaah aan dhamaystirnayn,sarbeebo ama hadalo xikmado ah; adigoo isticmaalaya ereyadan:-(hadii, xagee, markii, kuma, wakhtigee, qof idinka mid ah ma garanayaa, miyaad aragteen iyo waan arkey.}
7.      Ha isku dayin inaad la qososho dadka ama la sacabiso. Aamusnow daqiiqado, dhig gacmahaaga miiska wada hadalka {stage ka} ama ku dhufo shay.
8.      Ha fadeexadeyn qof si wanaagsan loo yaqaan, kaas oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda{ha noolaado ama ha dhintee}.
9.      Ha amaanin naftaada ama ha amaanin qof si fiican loo yaqaan oo aad taageerto.waligaa ha dherernaan{taagnaan} laakiin, isu qalooci midig ama bidix. Oo tilmaam qof sumcad xun leh ama jabiya oon oofin balamaha oo la yaqaan.
10.  Ha faro galin dadka kaa soo hor jeeda arimahooda shakhsiyadeed ama ceebahooda; laakiin, tilmaam meelaha daciifka ka yihiin oo sax adigu. Fiiq oo tag gacantaada si ay u wada eegaan dadku. Deedna tilmaam dhabarkooda danbe si ay u jaleecaan dhamaantood xagadanbe. Kaga bax hadalka maahmaah ama shay kale oo raad ku reeba xasuusta dadka.

W/Q; sakariye waddani
Email:caaqi_daalo@hotmail.com

FACEBOOK: sakifaysal@gmail.com