Wednesday, April 16, 2014

Irridda Aqoonta W/Q. Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”


Hoygu irrid laga galuu lee yahay.  Aqoontuna irrid laga galay leedahay.  Shay kastana waxbaa ibo-fur u ah.  Ballaysinka iyo bud-dhigga aqoontu waa akhriska.  Akhrisku   waa irriddii aqoonta.  Akhrisku inuu irridda aqoonta yahay waxa caddayn marag-ma doon u ah Rabbi {SWC} wuxu ku bilaabay Eraygii waxyiga ugu horreeyay “Akhri”. In waxyiga lagu biloobo akhri, waxa ku duuggan xigmad iyo murti xeel-dheer.  Waxayna muujinaysaa ilbaxnimada iyo xaddaaradaha adduunku inay ka falkamaan akhriska.  Akhrisku waa reyn-reynta iyo raaxada nolosha.  Se waa markaynu dareenno mucda, miisaanka iyo macnaha ballaadhan ee ku lifaaqan uur-ku-jirtiisa.  Aadamuhu wuxu soo maray marxalado iyo xilliyo qallafsan.  Halgan, gucle orod ah iyo hayaan horumar raadin ah ayuu ku soo jirey gu’yaal iyo gu’yaal.  Jeer uu haleelay Dab iyo Birna kama soocmin xayawaanka duur-joogta ah. 
Haddaba, laga soo bilaabo ilaa ammintaa dheer ee soo taxnayd sida tusbaxa wuxu hayaan aan kala go’lahayn ugu jiraa Aadamahu dhammaystirka awooddiisa Sayidnimo.  Waxa Aadamuhu kor subag leh iyo kal aqoon leh yeeshay markuu farta ku dhiggay sirta nolosha adduunka “Akhris”.  Maanka kugu ladhan, ee maskaxda yar ku lifaaqan, waxa shiila, dhalaaliya, ka shaqaysiiya, hal-abuurnimo u yeela, horumar u horseeda, awooddiisa garansiiya, inuu mugweyn leeyahay tusa, miisaankiisa u tilmaama, mucdiisa iyo ubucdiisa hoosena qoda, ee banka soo dhigaa waa aqoonta, irridda aqoontu waa akhriska.  Xidhiidhka qotada dheer iyo xadhigga xeesha fog ee ka dhexeeya aqoonta iyo akhriska waxaynu ka dheehan karnaa erayada sare, iyo adduunka taamilooyinka ka taagan. 
U fiirsashada adduunka, u fikirka si toggan, iyo u falkinta maskaxda si qummani, waxay kugu hoggaamiyaan garashada qiimaha odhaah iyo eray laguma koobaanka ah ee akhirsku ugu fadhiyo nolosha.  Haddaba, garwaaqsashada iyo garashada Aadamuhu gartay sirta salka weyn ee ku jirta “Akhriska” wuxu isku dayay inuu sawir-gacmeed, qadiifado,  xaradhyo, eray xigmadeedyo iyo weedho gun fog ku cabbiro qiimaha iyo qaayaha durugsan, dahaadhan, ee aan wali si wacan daaha looga faydin ee akhrisku lee yahan.  “Intaad wax akhridaad wax taqaan. Markastood wax badan akhrido, waxaad aragtaa bata.  Berri waxa adduunka wax laga waydiinayaa kuwa ugu wax akhriska badan”
intaas oo xigmadood iyo in kaloo badan ba waxay Aadamuhu ku cabbireen dareenkooda iyo lahashada ay akhriska u qabeen. Haddaba, akhrisku waa furaha aqoonta, aqoontuna waa furaha horumarka, horumarkuna waa furaha badhaadhaha, badhaadhuhuna waa furaha reyn-reynta.
Heer akhriskeenna 
Wargeyska oo ah laba xaashiyadood ayaa  magaalooyinka soomalida ugu waaweyn ee ay ka soo baxaan haddaad marto waxad arkaysaa, iyadoo lakala ammaanaysanayo, amma “ii dhiib aan kuu yar eegee ayaa lagu odhanayaa?” bulsho wargeys afar warqadood ugu badnaan ka kooban kala toobalcaaraysanaysa akhriskeedu halkee taagan yahay? Warcelinteedu waa caddahay. Waxkastaba wuxu ka bilowdaa salka, ubad aan indha saarin hooyo iyo aabbe wax akhrisanaya, maxay iyagu wax u akhrinayaan? “Awrka yari awrka weyn saan qaadkiisuu lee yahay”  Buug haddaad gacanta ku sidato, oo aad soo dhex marto suuq amma xaafad, da’yarta gidaarada, seesaska, iyo hooska geedaha magaalada fadhiyaa, lagama yaabo inay ku waydiiyaan, wuxu daarran yahay iyo goobta lagu iibiyo midna. 
Waayo uma arkoba mid aqoon iyo saqaafadi ku duuggan tahay.  Ardaygeennu wuxu wax u akhriyaa imtixaan aad ku baastid, ee aqoon aad baratid wax uma akhriyo.  Taasna waxa caddayn u ah waqtiga imtixaanka waxad arkaysaa iyagoo masjidka ka buuxa, oo raabe raabe wax u wada akhrisanaya, halka isla jeerkaana marka imtixaanku dhammaado aadan indho saarayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen!! Haddaba. Dhibaatadeenna garanaye waa maxay dhaymadeedu?
Xalka iyo xaaladdeenna
Xalka ugu habboon, ugu qumman, ee ugu qunsani waa barbaarinta ubadka, oo laga soo bilaabo ibo-furka ilmaha in lagu canqariyo akhriska.  Carruurtu hadday indho baraaqsadaan, wax ogaadaan, ku garaadsadaan Aabbe iyo Hooyo wax akhrinaya, waxay u arki lahaayeen caado iyo dhaqan bulsheed oo lama dhaafaan ah.  Ubadku hadday dhalashadooda halacsadaan maktabad wax akhris oo guriga ka jirta, waxay garwaaqsan lahaayeen in akhrisku muhimad iyo maan kaabis lee yahay. 
Haddaba, lammaanahii hore ee soomaaliyeed aqoon iyo adduun la socod ma lahayn oo reer guuraa bay ahaayeen.  Lammaanaha maantana waxa ka maqan ulajeeddadii dhabta ahayd ee guurka in badan oo innaga mida.  Waayo arki maysid lammaane ku sugan laanta haasaawaha amma guri yagleelka oo ka wada hadlaya barbaarinta iyo basrinta ubadka.  Xaasha! Taladaba kuma jiraan ubadku!  Taasi waa ayaan darrada jirta.  Xil culus ayaa saaran lammaanaha nasiib u yeeshay inay dunidan jaqaafisay iyo tignoolajiyadan jiciiratay la socdaan.  Xil adag ayaa saaran lammaane kasta oo gartay in akhrisku adduun-aragga iyo aqoon oddoroska kordhin, kobcin, iyo kor u qaadis ku sammeeyo, maanka, laabta iyo damiirka qofka.  Lammaanahani xil gudashada waxay ka bilaabayaan dhaqankii hadlaaga, ee ilmaha sheekada loogu gudbin jiray, ayay qoraal ugu gudbinayaan.  Waxayna u soo gadayaan buugta ubadka iyo carruurta ee la heerka ah garaadkooda.  Dardaaranka ruuxa xil-dhibaanka ah aan u gudbinayaa waa haddaad ubad lee dahay la ogow akhriska inaad ku barbaariso, haddaad ammintan qorshaynaysana ku darso liiska haasaawaha ee adiga iyo lammaanahaaga idiin dhexeeya.
Hadal macaan iyo Hawraar la yaab leh!!
Haddaad ogaan lahayd, jannada adduunka ee aan ku suganahay, haddaad garan lahayd raaxada nafsadeed iyo reyn-reynta jidheed ee aroorta horeba aan dalaq idhaahdo.  Intaan waqti hayana iskaga jiro.  Haddaan ku dhan-dhansiin lahaa malabka iyo miida aan jaqo, nuugo, ku nimcaysto, ku nasto, kuna dareemo nayaayiro, galin iyo daqiiqad igamaad maqnaateen, waad igu qabsan lahayd, waad igula dagaallami lahayd! Haddaad indhaha saari lahayd quruxda, qiimaha, qaayaha iyo qummanaanta laabtaydu ku sugan tahay, iftiinka ka baxaya maskaxdayda, shamaca ka daaran garaad kayga ilbidhiqsi igamaad daahdeen!  Dhulka doogga, naqa iyo cosobka leh ee aan galabtii u daawashada tego, haddaad laba indhood ka qaadi lahayd waqtigaaga oo dhan waxad u huri lahayd inaad dhex joogto!! 
Haa, waan jeclaa inaad nimcadaa ila qaybsato, laakiin adigaa diiday! Haa adigaa diiday! Imisaan ku idhi koobka bigayska ah intaad laasato, halkaan ku cabbo biyaha Samsamka la dhadhanka ah iigu kaalay, ood I tidhi sii soco!! Haa sii yar soco!  Maya maya kuma odhane ii sheeg!!  Haddaad garan lahayd in yar uun oo aad dareemi lahayd, cosobka, cagaarka, cawada iyo ayaanka aan ku dhex jiro, sidaan u bartay adduunka, sidaan u bartay waxa ubucdiisa ku duuggan, sidaan u bartay waxa la ii abuuray!  Waxan ka baxay omos, abaar iyo awaare.  Waan arradnaa haddase dhar xariir iyo luul ka sammaysan ayaan xidhay!! 
Waan indho la’aa, haddase indho kuwa faraska ka fiiqan, ka aragti dheer ayaan yeeshay!  Halkaan wax ka arko adu kama aragtid!! Run ii sheeg! Haa waa runtay kama aragtid!  Adduunkaba dushaan ka eegaa, oo ka wada daawadaa!! Intaa iyo in kale ma doonaysaa inaad yeelato.  Adigoo halkan jooga ma doonaysaa inaad sidayda daafaha adduunka dalxiis ku soo marto, oo adduunka dalalka ugu cagaaran ugu qurxoon ku soo wareegto?  Haa, waan doonayaa, ii sheeg walaal.  Ii sheeg! Dhegta ii soo durki, ii soo dhawow!  Bal I dhugo!  “Wax akhri!.......................Wax akhri………..Wax akhri…...........Wax akhri!!”
“Oo yaa ila hadlayay?”  “waxa kula hadlayay Akhriste wanaagsan…..nabadeey…..nabadgalyo………nooli kulantee”
Ax……………..Ax……….Ah……….Ah…… waan jeclaa in hadalkaa dhegta jiidanaya la ii sii wado, waan nuuxsan kari waayay, waan is dhaqaajin kari waayay, in adduun kale la igala hadlayo ayay iiga dhignayd, in quruumo kale ila hadlayaan ayay iiga dhignayd. Akhriste , nabadeey!
Irridda aqoontu waa akhriska!
W/Q.  Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”
Facebook.  Cagaf Axmed Muuse.
Hargeysa. Somaliland.                                                                                ALLAA MAHADLEH.          
                                                                    DHAMAAD.


Monday, April 14, 2014

Haa, Noqo laba mid!! W/Q. Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”


Ammintu waa gadiid {Duhur}, cad-ceedu waxay caga-cagaynaysaa cirka badhtankiisa.  Waxayna dhulka ku soo ganaysaa fallaadho kulul, oo  gamas afka loo tiifay in dhakada lagaaga wareemayo ad moodid.  Dhulku waa jalaq, oo socodka dadka iyo sawaxanka baabuurtu way yar yihiin.  Dadka inni way hadhgaleen, inna way hadhima doonteen, halka inta saddexaadna ay hurdo u holladeen.  Annu waxan ka mid ahay inta labaad, waxanan akhrinayay Dhigane ka mid ah kuwa ugu xalladda iyo xiisaha badan.  Waa buugga Awoodda fikirka {Power of think}, ee uu qoray Dr. Scolor.  Waa buug ka warramay horumarinta awooddaha dahsoon ee Bini’aadamka.  Baal-qoraallada horeba wuxu tibaax murtiyaysan ku bixinayaa in isbeddelka noloshu ku sar go’an yahay hab fikirka shaqsiga.  
Wuxu ballaysinkaba bildhaaminayaa in haddii hab fekerka shaqsigu isbeddello in kaalinta iyo doorka uu bulshada ruuxaasi kaga jiraana isbeddellayso.  Waa buug ku tusinaya kuuna tilmaamaya awooddaha kugu kaydsan, ee adeegsiga u baahan.  Wuxuuna kuu sheegayaa inaad ka muhiimsan tahay, kana qaalisan tahay intaad hadda isku haysato.  Haddii aad tahay mid waqtiga iyo waayuhu laciifiyeen,  wuxu kugu dhiirrigalinayaa inaanad is dhiibin, wuxuna ku siinayaa awood kugu qarsoon oo aad kaga gudubto duruufaha qallafsan iyo aragtida qarracan ee aad nolosha ka aamminsan tahay.  Wuxu buuggani kugu adkaynayaa inaanad noqon {Nin dhintay oo calafkiisu nool yahay} Haa, ha noqon nin dhintay oo calafkiisu nool yahay.  Nin dhintay oo calafkiisu nool yahay waa labaatan jir wax cun, wax cab iyo seexo  oo soo toos wax u dhexeeya ayna shaqadiisu ahayn!! Adigaa nolosha ku siyaado ah, mar haddaadan wax ku soo kordhin. 
Buuggan awoodda fikirka xaashiba waxay kuu tebinaysaa xaashida ku xigta.  Adigoon nuuxsan, is dhaqaajin, oo midba mida ka danbaysa ogaanshiyaheeda hammuun iyo harraad u qaba, ayaad is arkaysaa adigoo dhanka kale uga tallaabay.  Mise waad dhammaysay ba! Qoraal markaad laasataba waxa kuu kordhaya fudfudayd nafsadeed iyo firfircoonni jidheed! Waxa baaxad yeellanaya adduun-araggaaga iyo aqoon oddoroskaaga.
Haddaba, iyadoo baalba baalka ku xiga ii tebinayo, ayaa sidaadan u rogay kaan akhrinayay markaan dhammeeyay, waxay indhuhu halacsadeen “Noqo laba mid!!”  waaniga indhaha ku biniiniyay si aan u ogaado labadan la noqonayo midkood!  Markaan u dhug yeeshay mise waxa far waaweyn oo ingiriisiya ku xardhan “DAAQAD IYO MURAAYAD {ISKAA-TUSA} MID NOQO!!”  Haa, daaqad iyo iskaa-tusa mid noqo!! Waaniga ku sii dhaygagay si aan u ogaado sababta daaqad iyo iskaa-tusa mid loo noqonayo!  Mise qoraagu tafniid iyo sharrax midna kama bixin, ee halkaasuu ku dhaafay.  Waxan ogaaday in akhrista looga baahan yahay helidda faa’idada Daaqad iyo Murayaad! Waaniga akhriska joojiyay, kor u fadhiistay, koob bigaysana soo shubtay, si aan u furfuro hal-xidhaalaha qoraagu igu soo tuuray.  Bal hadda akhriste adna ka fikir Daaqad iyo Muraayad! Maxay taraan? Maxaad Daaqad iyo Iskaa-tusa midkood aad u noqonaysaa?  Waxan garwaaqsaday in maan godlid iyo maskax maaxini lagama maarmaan tahay.  Waan fikiray, taladaan rogrogay, hoos baan isku hadlay, garaadkaan shiilay, laabtaan gilgilay, waan kacay oo haddana fadhiistay, Daaqaddaan furay oo haddana xidhay, Iskaa-tusaan soo qaaday, waan isku eegay oo haddana dhigay, dhankastana waan ka fiiriyay, markaan garaadkayga gaaban godliyay waxa ii soo baxay laba arrimood:
DAAQAD: daaqaddu waxay guriga ugu fadhidaa qiimo aad u ballaadhan.  Daaqaddu waxay dhismaha ugu jirtaa kaalin weyn, marka ay mugdi tahay, amma laydhku tego, Daaqadda waxa guriga ka soo gala nuur iyo iftiin.  Sidoo kale Daaqadda ammintay kulayl tahay waxa guriga ka soo gala neecow iyo nayaayiro qabow, oo ruuxa qolka ku jira siisa nafis niyadeed iyo negaansho jidheed. 
Haddaba, akhriste markaad Daaqad noqotid, waxad tahay mid bulshadiisa iftiin iyo aqooni uga timaaddo.  Waxad tahay mid kaalin weyn kaga jira bulshadiisa oo anfac iyo waxtar u leh.  Daaqad noqo, macnaheedu waa inaad noqoto mid bulshadiisa baanta markay bugto.  Waa inaad noqoto mid neecow qabow ka soo gasho bulshada, waa inaad noqoto mid aragtidiisa lagu diirsado, agjoogiisana lagu dawoobo. Markaan sababta Daaqad loo noqonayo ogaanayay ayaan soo xasuustay in Abwaan Hadraawi hore Daaqad noqda innoo yidhi, markuu lahaa:
Marka haadu socod deyso               Berri iyo siday doonto
Dhirta sare tuku fuulo                      Sug cad-ceeda maqan maaha
Gorayadu sanqadho reebto             Saqda dhexe habeen soocan
Adna soonka xidho maaha              Qudcur simay adduunkeenna
Mugdi talada sii maaha                   Wax siraata noqo weeyi

Haa, haddaba akhriste dhammaanteen aynu daaqad noqono! Haa daaqad noqo! Macnaheedu waa noqo mid iftiin, nuur, neecow iyo nayaayiro ka soo gasho bulshada. Taas oo ah noqo mid aqoon san, aragti suubban iyo waxtar qumman u leh bulshadiisa.
ISKAA-TUSA: {Muraayad} fikir iyo falanqayn kadib iyana waxa soo baxday in ay kaalin laxaad leh ku jirto Iskaa-tusadu.  Markan uu qoraagu lahaa muraayad noqo; macnaheedu waa qof noqo soo celiya, oo warcelin amma weedh-celin ka bixiya waxa la gashado.  Waayo muraayadu hadba waxay ku tustaa waxaad hordhigto.  Adna waa inaanad noqon haan gun daloosha, balse noqo iskaa-tusa.  Bulshadaadu waxay ku bareen iyo waxay kugu biiriyeen ha kaa soo noqdaan, oo bulshada mid falcelin wanaagsan u sameeya noqo.  Waxan ogsoonahay Iskaa-tusadu inay ku tusto, hadba waxaad adigu tusto.  Iskaa-tusa noqo macnaheedu waa ummaddu waxay ku tartay iyo aqoontii lagu soo baray intaad yarayd dib u gali bulshada. 
Tusaale: Haddii aad arday tahay oo sannad dhan macallin wax ku soo barayay, oo casharro kuu soo dhigayay, kadib markuu sannadkii dhammaaday, ayuu macallinkii imtixaan kaa qaaday.  Haddaba, haddaad imtixaankii derejo hoose keento, amma aad garan weydo, taas macnaheedu waa maad noqon Iskaa-tusa!! Haa maad noqon Iskaa-tusa!!
Waayo casharradii uu macallinku sannadka dhan ku soo barayay, maad soo celin!  Waxanad ceeb iyo caaryaad u soo jiiday saddex; waalidkii, macallinkii iyo dugsigii aad dhiganaysay.  Laakiin haddaad imtixaankii dhibco sare keentay ka warran, Haa muraayd baad noqotay!! Muraayad baat tahay! Haa muraayad baad noqotay!!  Waayo waxad soo celisay wixii macallinku ku soo tabcay ee uu ku soo baray.  Dhan kale haddaynu ka istaagno, muraayada waynu isku eegnaa.  Haa foolkeenna {Wajiga} iyo jidhkeenaynu ku eegnaa!! Haadaynu saxar iyo basaas isku aragno waynu feedhanaa amma maydhanaa, oo waynu is qurxinnaa! Haddaba, muraayad noqo, macnaheedu waa qaado amma samayso muraayad aad ku eegto aqoontaada, adduun-araggaaga, dad la dhaqankaaga, iyo waayo aragnimadaada nololeed heerkay taagan tahay.  Haa muraayad noqo, waa ku eeg muraayad kaalinteed bulshada ugu jirtaa, hadday hoosaysana kordhi dedaalkaaga.  Waa muraayad ku eeg maskax maaxintaada, iyo garaad godlintaadu halkay taagantahay, sidaad wajigaaga iyo jidhkaaga ugu eegto aroortii muraayad!!  Shaqsiyadaada muraayad ku eeg oo qurxi, aqoontaada muraayad ku eeg, oo kordhi!
Guntii: Haa, laba mid noqo! Daaqad iyo muraayad! Laakiin ha noqon mid saddexaad! Haa, bulshadaada u noqo Daaqad nuur, iftiin iyo neecow qabow uga soo gasho, amma Muraayad wixii la gashodo u soo celisa, laakiin ha noqon foosto gun daloosha!
HAA, NOQO LABA MID: DAAQAD IYO MURAAYAD!
W/Q. Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”
Facebook. Cagaf Axmed Muuse                                           Amminta:  22/3/2014
Hargeysa,. Somaliland                                                      Allaa mahad leh.

                                                 DHAMMAAD