Saturday, April 12, 2014

furfuridii saddexda xigmadood W/Q:Sakariye Faysal Waddani

Waxa uu ahaa boqor aad u caqli iyo garasho badnaa; afarta maal aduunyo wax ka maqanina aanu jirin. Waxa uu ilaah ku manastay sharaf, cisi, karaamo, maamul wanaag iyo aftahanimo ay ku dheehan tahay xigmad qof weyni.waxa kale oo ilaah siiyay hal gabadh oo qurux, Jamaal iyo joogba rabbi ugu deeqay.
Rag badan ayaa boqorka waydiistay in gabadha uu dhalay  loo guuriyo. Balse, boqorku inanta waxa uu la jeclaystay inuu siiyo nin caqli iyo garasho u saaxiiba oo masuuliyada gabadhan qaadi kara. Boqorku waxa uu caado u lahaa inuu todobaadkiiba hal mar kulmiyo dadyawga indheer garadka ah ee deegaanka uu ka taliyo ku nool. Hadaba maalin ka mid ah maalmahaas kulanka ayaa waxa uu isku yeedhay dhamaan dadkii aqoonyahanada ahaa ee deegaanka , markii layskugu yimi geedka arrimiska ayaa waxa uu ku yidhi dadyawgii isugu yimid goobta " waar yaadhaheen waa ragga waxaan saaka iskugu kiin yeedhay inaan inin waydiiyo dhawr su'aalood. cidiise garata waxa iga sharad ah inaan siiyo inantaydaa quman luula eed arkaysaan quruxdeeda iyo inta rag ee iga soo doonanatay ee aan u diiday."
Odayaashii goobta isugu yimid aad ayay ugu riyaaqeen arrinkaas sababta oo ah waxa mid walba uu ku hammiyay inuu guursado lana aqal galo inanta uu boqorku dhalay halkaasna reer boqor xidid kula noqdo. Saddexda su'aalood ee boqorku waydiiyay ayaa ahayd:-
" Sali aan dhamaanayn.
" Socod aan daalayn..
" Sahay aan wax kuu tarin.
Si looga jawaabo waxa laysku dayay su'aalihii uu boqorku waydiiyay.balse, gow adigaaba sheegaya. Waaba la dhaqaajin waayay. Dadkii meesha iskugu yimid waa la waayay cid ka jawaabta. Inan dhalinyar oo ka mid ah shaqaalaha qasriga boqorka oo isagu meesha ku sugnaa ayaa boqorka ka codsaday inuu su' aalahaa ka jawaabo maadaama oo la garan waayay.ileyn waxa lagu qaadanayaa abaal gud weyn oo ah in aad guursato inanta boqorka magaalada'e. boqorkii waa ka yara warwareegay in  uu u ogolaado ka jawaabidaas.  Waayo isagu kama mid ahayn dadkii meesha layskugu yeedhay balse waxa uu cunto iyo cabitaan u keenayay dadka goobta isugu yimid. Oo marka uu alaabada dhigaba waxa isaga ood moodo sidii qof dhegta taagaya is hor qotomin jirey dhabarka danbe ee dadka meesha yimid isaga oo qoorta hoos u yara dhigaya tarayga alaabta uu ku soo qaadayna calooshiisa ku yara tiirinaya. Hadal iyo dhamaan  waxa loo ogolaaday in uu ka jawaabo su'aalaha boqorka. Dabadeed waxa uu yidhi:-
" Sali aan dhamaanayn waa ciida ilaah simay. Socod aan daalayna waa siigadaa  ilaah wado. Sahay aan wax kuu tarina waa siraad dab oo damay.

Boqorkii ayaa aad ula yaabay su'aalaahaas dadkiiwaaweynaa ee aqoonyahanka iyo indheergaradka ikugu jiray  oo dhami garan waayeen ee inankan yare ee waliba shaqaali
hii gartey!!.
Isaga{boqorkii} oo u qushuucsan dhanna la yaaban  wiilkan yaraantiisa iyo maskax wanaagiisa uu wax ku  fahmi og yahay  meelna wax ka arkaysa aan laga arkayn ayaa uu siiyay gabadhii uu dhalay, guri iyo waliba lacag ciidaas iyo camaarkaas ka badan.

DHAMAAD
w/Q: sakariye (WADDANI)
Caaqi_daalo@hotmail.com

Friday, April 11, 2014

Ismaan lahayn! (sheeko gaaban)W/Q:Ibraahin Xaaji Cabdi Tallaabo

        

Marnaba ismuu lahayn tan oo kale ayaad kala kulmaysaa. Waxa islaahaan wayaay moodiisi hore iyo dhabta meesha taala.
Axmed wuxuu ku dhashay magaalada hargeysa hilladii  1991, mana uusan arag rafaad iyo jab intu noolaa, inkaastoo reerkoodu bandarka ku lahayn waxa aduunyo aha oo buuran haddana, hooyadii iyo aabihii waxay ku dedaali jireen inaanuu dareemin waxa dhib ah. Waxay dhaafiyeen qarkii iyo qarkii ku xigihiiba.Aabihii oo la odhan jiray warsame wuxu ahaa waashmaan, hooyadiina cambaro iyana suuqa ayey la fadhiisan jirtay inyar oo khudrada. Iyagu wax carruura waxay lahayeen kaligii oo ay weyni  ku dhaleen. Waxay ku foognayeen siduu u noqon lahaa qof wax qabsada, oo heer sarre gaadha.
Haddaba intii uu Axmed  galin badweyntii, hiyigii iyo himiladii balwaddu ku ladhnayd. wuxuu ahaa wiil waalid adeec ah, kuna dadaala aqoontiisa, jecelna waxbarasha higsanayana hir dheer oo aanay markaas ku fikirayn dhallintii uu la gadaha  ahaa. Waxay saaxiibadii ku dacaydan jireen nin dhul jacayl iyo daljirnimo ka buuxdo, oo aan fahansanayn sirta nolosha siday iyaga markaas la ahayd.
Wuxuu sidaas ahaadaba, markii uu dhammaystay dugsigii sare ayuu awoodi wayaay in iska bixiyo jaamacadii, cidd caawisana waayey. Isagga oo niyad jabay oo orod iyo ayaan midna ku wayaay shaqo, oo fikiray  niyaadisa iyo qalbigiisuna la baaxa dagayaan  xalinta hawsha la kulantay,  oo maaro iyo miicin u la’yahay fariimaha iyo murugooyinka maroora ee maskaxadiisu isku dhex mulaaqday.   Waxa maankiisa haddba soo miir kicinaya, da’ yar  ay jaall ahayeen oo beegsaday tahriib, kuna biimeeyay lafahoodii badda u dhaxaysa waqooyiga afrika iyo yurub, kuwaas oo ka  badbaaday qudhbixii-bixi socdaalkii halaagu ku lammaana oo u maqlay inay maal badan tabacadeen , oo kan raysten bi’ii iyo baabi’ii afrika, hase ahaatee caqligiisu waa hilmaamay hebelladii badanna ee ku geeriyooday oo waliba sida xun u dhintay ee libaaxbadeedka iyo saxaraha u gacan galay ee wali la’ layahay raq iyo ruux meelay ku dambeeyen.
Illayn waa “ nin meel  u caddahay meeli ka madoobe “.wuxu bilaabay  tabaabushihii dhaqaaqi waalida ahaa una shandado xidhxidhay . wuxuuna helay koox aysku xafad ahayeen oo la meherada ahayd isaga.  waxa aduunyo ah wuxu sita xooga yar oo dhawr boqol oo doolar ah, intaas oo uu ka soo xaday lacag ay hooyadii hagbad u haysa dumar ay suuqa ka wada xoogsadaan.
Bilaabe hayaankii  ay ku haligayeen nafahooda. waa  dhallinyaro uunka  waxbadan ka arag gu’gooduna waa 20 iyo qaar wax yar dhaafay, ha yeeshe carruurimo iyo caqli-xumo ayaa qaaday iyo waliba garasho liidata. Garanmayaan halkay qabanayaan wax kaga horreeya, waxayse laabta ku hayaan inay dhaqaale iyo dheef badan ka soo xantoobbsadan goobtaas laakiin waa dhalanteed biyo kama dhibcaan ah.
  Waxay jidka ku  sii jiraanba.. waxay gaadheen Adis-ababa oo ah meeshay ka heleen, kuwa dadka madlufiya oo loogu yeedho mukhalisiin. Kana baayac-mushtara dadka nool una kala gudbiya dalalka ka sokeeya halkay yoolkoodu yahay dhallintna ambadka ah, Ku dare qaar sidooda oo kale  ahaa.   La’ saar baabuur yar oo qaaday shan iyo toban qof laakiin lagu ururiyey dadka badan lixdan qof. Waxay sii socdanba oo ay huur, neefsi la’aan iyo cidhiidh u dhiman gaadheen ayey ku war heleen gaadhigii oo la joojiyey, dabadeed “soo dhaadhaca” lagu yidhi. Is yidhaahde “tolow maxaa dhacay!”. Waxa loogu warceliyey in xuduudkii dhawyahay sidaas darteed la lugaynaayo si xadka ay uga gudbaan. Yeele, hase ahaate markii inyar dhaqaaqeenba waxa ku soo baxay ciidammo, naxdin iyo anfariir yaace kadibna la rasaaseeyay  iyana. Axmed iyo saaxiibadii isla hele jaanta, marka laga reebo mid kamid ah asxaabtoodii oo ay xabadii haleeshay iyo inan ay wayeen meelay jaan iyo cidhiba dhigtay, laakiin ku tiriye inay firdhadkii kaymahii u dhawgashay. Yaacid iyo balaal daymood ayaa dilay dhammaantood oo waxay isleeyihiin orod uun miicinsada, waxay marba xidh, kaymo, banaan iyo buur yar jidhaanba.  Waxa goor habeen ah u baxay baabuur guuxisii iyagoo lix caano maal afkaba wax saarin oo oon iyo gaajo daris la noqday. Nasiib wanaag soo gaadhe  sanqadhii u baxday waa tuulo ku taal suudaan, oo gaadhi ka istaadhan yahay, ilayn cabsi ba ku gadaamane iyaga oo bacdii ay dabayli lushaba way ka cabsanayeen, waxay u soo dhukisaanba, dhagaysteena cidda meesha ka dhurmaysa. Waxay maqleen niman ku wada sheekaysanay afka carabiga, farxe una soo luude goobta iyada ahayd, markii hore way ka baqayeen.
 waa afar wiil iyo gabadh. Iyagu waa wiilashe waxay  ahayeen kuwoo wada socday, inantuse waxay ka soo raacday kolkii la kala firxaday. Kasoo fuule halkaas gaadhi keenay magaalo kamida suudaan.
Wax dhaqaalaha ma haysatan .ku qayli oo la hadle aabbo iyo hooyo markii hore la soo caydheeya. Iyana waa waallide, kii hayeyna la soo carar , kii kalena soo dawarsay.
Halkii ka sii wadde safarkoodii. Saxarihii markay marayeen baabuurkii la socdeen waa u qalibmay, kobtaas waxa ku geeriyooday laba kamid ah jaallayaashii Axmed. Waa loo badeedhey ilayne. Sii socde iyagoo qalibka ku dhisanaya, waxaan loo dhibtoon dhayal laguma hanto. Waa tahriib iyo cadaadii, galmooni, geeri, magafe, oon u gawracmid iyo dhib gurigiisa weeye.
Ugu hoydee tiriboli nabad qab. Markay in mudo ah joogeen ayaa Axmed waxa ku dhuftay cudurka Qaaxada. Wax maal aduunyo iyo lacagtoona mahayaan gabadh iyo wiilkii ka soo hadhay kooxdoodii. Ula soo hadle dhulkii ay ka caymadeen, waa hooyo iyo aabbo sabool ah, huqdii iyo naxdinbuu ku dilay intuu cafimaadka qabay. Waxay ka warwar jireen meesha u ku suganyahay. Imikan waa isagii oo la yidhiba wuu sakaaradayaa. Waa waallid iyo wixii lagu yaqaanaye way u baryo tageen miyi iyo magaalotoona may dhaafin cagtay mariyeen rabbina ku guulee, oo aduunyo ay ku daweeyaan u soo hele.
Waxay  ku qaadatay muddo sideed bilood ah in uu  jiifo isbitaalkii, allana u sakhir saaxiibadii wanaagsan ee wiilka iyo gabadh ahaa, oo goobtaas isku-guursaday hayayna isaga. Markii uu ka soo baxay isbitaalkii bay halkoodii ka fadkudiyeen, ku soo caabad labadii waalid ee hore uga idleeyay waxay hayeen, uga sheekee inu isdili doono oo goyn doono naftiisa haddii aan loo soo dirin lacagtii doonta. Waxba kumay hadhin iyaga isaguba wuu ogaa meelkale oo ay u baryo tagaan majirto oo albaab kasta wuu kasoo xidhmay. Waxay go’aan ku gaadheen inay u iibiyaan baloodh yar oo ay wax duunyo ah ka haysteen. U iibiye, kuna kor doon baastii. Waxay sii sabbaysaba, jihaadiiba ka luntay xagay u socdeenba way garwayeen. Markii ila 12 cisho  ku jireen baddii oo maalinba dhawr qof gaajo u dhimanayeen ayaa maalinti dambe wax sakaraadkii qabtay saaxiibkii iyo xaaskii oo uur lahayd. Waa cidla cirsi la’ isaga iyo dhawr qof oo kiciba karayn baa fuushan doonta,Cidna cid u gargaarimayso , ma oohinba wax ku tari iyo calaacal. Isaga oo indhihiisu shan yihiinbay labadoodiba go’een. Isagii oo wadka uun sugayey ayaa wax la kulantay markab oo badbaadiyey.
Doonta waxay ku soo fuuleen sagaashameeye qof waxaan ka samata-baxay ila 25 ruux.
Gaadhe talyaaniga farihiina laga qaad, markay ayaamo kooban ku jireen kaam la yidhi “gala magaalka”. Wuxu kolba gidaar seexdo, sillic iyo saxariirrna u dhammaaday. Ayuu nin iska dhigay xoogsi tagay baabuurta maydh, wuxu intaas waddaba. Fursad buu helay u kaga baxo italyaaniga nasiibdaro markii u holand tagayba waa la soo celiyey waxan sabab u ah farihii laga dhigay.
Milaygan wuxuu ahaa xilligii ugu adka Axmed reerkooda wax duunyo ah uma reebin, yurubtuu rabayna may noqon sidu moodayey. Faro ayaa laga dhigay dhinacna uma dhaafi karo talyaaniga nolol kuma haysto oo wuxu wax la cuna ayda. Wax intaas usii dheer xasuustii rafaadkii iyo jabkii u soo maray iyo waxa hadda soo wajahay. Waxa kalkiisa ka guuxaya waydiimo badan, hase yeeshe uma hayn jawaabo waafiya oo qanci kara maskaxdiisa. Waxa ku soo dhacaysa maankiisa sidu mooday iyo siday tahay. Wuxu qalbiga iska leeyahay “ maan moodayn sidan!, ismaan lahay yurub waa sidan!. Haddana wuxu gadal ufiirinayaa dhalintii ay saaxiibada ahaayeen, iyo xagay qabteen. Waxa maskaxdiis ka go’i wayday noloshii u ka yimid ee dharag oo seexo ahayd iyo maanta tu ku suganyahay. Ma haysto aabbo iyo hooyo dhooldhooliya oo ilawsiya dhibka xanuunka kulul iyo kaarka haya, ma haysto cid u arxanta oo u diir naxda. Wuxu noqday qof aan ka dhicin qof waalan.  Isaga oo isla sheekeysanaya ayuu soo galay waddo baabuurtu ku socdaan xawaare sare , hoonkooda iyo guuxa midna ma maqlayo. Waayo waxa u ku dhex-jira badweyn quus iyo rajo beela. Waxa afkiisa ka soo baxay oo soo noqnoqonaysa ismaan lahay. Wax si kadis ugu soo booday baabuur dheereynay oo ku qaaday oo jiidhay. Ma dhiman nolol waalagu gaadhay nasiib daro wax u ku dhintay isbitaalkii. Waxaan hadalkiisu ugu dambaysay “ismaan lahayn……..”.

  

 W/Q:Ibraahin Xaaji Cabdi Tallaabo
guutaale_22@hotmail.com