Wednesday, April 2, 2014

Ku dayashada indhaa la' waa dhaqan liita (Maqaal)

       
Maalintan oo kale dhawr xafladoodbaa la qabtay sida bishii may 3deeddii 1908dii,oo lagu qabtay chikago.mid kale oo la qabtay bishii February 28keedii 1909kii oo lagu qabtay newyork:iyo tu kale oo la qabtay bishii febraayo 27 keedii 1910kii oo iyana lagu  qabatay isla Newyork.
Si kastaba ha ahaatee bishii ogosto 1910kii,shirweyne ay qabteen haween ayaa lagu agaasimay in lasii wado/halkaa  laga sii ambo qaado shirweyne guud oo labaad laguna qaban doono Copenhagen.oo qayb kamida muwaadiniin maraykan ahi aad ugu lignaayeen,qaar Jarmal ahina sooba jeediyeen In laga dhigo ama la aasaaso maalin taariikhda ku jirta oo si gaara loo xuso.inkasta oo aan taariikh loogu  astayn shirkaas haddana waxaa isku yimi wafti illaa boqol dumar ah kor u dhaafay  oo ka kala socda 17 dal.waxay isku raaceen  fikradda ah in la dhiiri galiyo, xuquuq isku midana in la yeesho (dhan kasta)  oo ay ku jirto ta codaynta dumarka.sanadkii ku xigay,bishii maarso 19keedii 1911,maalinta haween weynaha ayaa la iclaamiyey markii ugu horraysay.in ka badan malaayiin ruux oo  isagu soo baxay dalalka ustaraaliya,,Denmark,germany,iyo Switzerland.
Usteeriya iyo Hungeeriya gaar ahaantooda waxa ka dhacay  300 oo mudaharaad.waxay soo qaateen calamo iyo boodhadh ay ku soo qoreen waxa ay dalbanayaan. waxay intaasoo dhan u ham iyo dig lahaayeen in dumarka loo ogolaado in ay codeeyaan(dooroshooyinka ka qayb qaataan),iyo in shaqada loo sinnaado.oo mushahaar hagaagasan oo ay ku noolaan karaan la siiyo.
Dumarkii maraykanka ku noolaa way iska xafladaysteen xafladaasuna waxay qabsadeen axaddii ugu danbaysay ee bisha febraayo .
Halka dumarka Ruushka  ah ay xafladaysteen  bishii febraayo 1913 kii  axaddii ugu danbaysay marka loo eego (Julian calendar ).isla sanadkaas.
Inkastoo ay jireen dumar aan sidaa u sii badnayn oo hormood ka ahaa isku dhacyo ,socod ay sameeyeen iyo isku soo baxyo kaleba illaa sanadkii 1914kii,haddana mid ka mid ahi ma guulaysan.1914 kii bishii maarso 8deedii ayaa la qabtay dharaarta Haweenka,waxa la leeyahay maalinkaasi axad bay ahayd,imikana sidaas uunbaa bisha maarso 8 deeda loo qabtaa waddamada qaar.isla 1914 kii goob joogayaal ayaa u yeedhiyey Jarmalka in dumarku xaq u leeyihiin inay codeeyaan, (qaraarkaasu) taasoo aan guulaysan illaa 1918.
Intii ka danbysayna sidaasaa loo qaban jiray xafladdaas habaarka qabta.
Haddaba aan u soo noqonno teenna ee bal inta aynaan ku kicin falkaasi bal aynu si dhugmo dheer uga fiirsanno xafladd baastan lagu ibtileeyey dumarka. Iyo guud ahaan xusaskan jin iyo jaan ee aan shaqo iyo shuqul toona ku lahayn nolol maalmeed keenna.

Soo markaas uma eeka  Dhaqan liita, ku dayashada indhaa la' iyo dameeri dhaan raacday uun.
Weydiimahan aynu horta ka war celino
Ø = dumarka miyaa la dulmiyey?
Ø = ma ha codayn ayaa lagu yidhi?
Ø = ma gaajo ayaa haysa?
Ø = ma adoonsi ayaa lagu hayaa?
Ø = ma xaq ayaa ka maqan?
Warcelinta adaan kuu dhaafayaa akhriste.
Somalidu waxay lahayd diin iyo dhaqan suubban.

W/diyaariyey:Xamse Cabdiqaadir Aadan

April 2, 2014

F/G:warbixinta badankeeda waxaan ka soo dheegay wacaal baadhaha  GOOGLE


No comments:

Post a Comment