Wednesday, April 16, 2014

Irridda Aqoonta W/Q. Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”


Hoygu irrid laga galuu lee yahay.  Aqoontuna irrid laga galay leedahay.  Shay kastana waxbaa ibo-fur u ah.  Ballaysinka iyo bud-dhigga aqoontu waa akhriska.  Akhrisku   waa irriddii aqoonta.  Akhrisku inuu irridda aqoonta yahay waxa caddayn marag-ma doon u ah Rabbi {SWC} wuxu ku bilaabay Eraygii waxyiga ugu horreeyay “Akhri”. In waxyiga lagu biloobo akhri, waxa ku duuggan xigmad iyo murti xeel-dheer.  Waxayna muujinaysaa ilbaxnimada iyo xaddaaradaha adduunku inay ka falkamaan akhriska.  Akhrisku waa reyn-reynta iyo raaxada nolosha.  Se waa markaynu dareenno mucda, miisaanka iyo macnaha ballaadhan ee ku lifaaqan uur-ku-jirtiisa.  Aadamuhu wuxu soo maray marxalado iyo xilliyo qallafsan.  Halgan, gucle orod ah iyo hayaan horumar raadin ah ayuu ku soo jirey gu’yaal iyo gu’yaal.  Jeer uu haleelay Dab iyo Birna kama soocmin xayawaanka duur-joogta ah. 
Haddaba, laga soo bilaabo ilaa ammintaa dheer ee soo taxnayd sida tusbaxa wuxu hayaan aan kala go’lahayn ugu jiraa Aadamahu dhammaystirka awooddiisa Sayidnimo.  Waxa Aadamuhu kor subag leh iyo kal aqoon leh yeeshay markuu farta ku dhiggay sirta nolosha adduunka “Akhris”.  Maanka kugu ladhan, ee maskaxda yar ku lifaaqan, waxa shiila, dhalaaliya, ka shaqaysiiya, hal-abuurnimo u yeela, horumar u horseeda, awooddiisa garansiiya, inuu mugweyn leeyahay tusa, miisaankiisa u tilmaama, mucdiisa iyo ubucdiisa hoosena qoda, ee banka soo dhigaa waa aqoonta, irridda aqoontu waa akhriska.  Xidhiidhka qotada dheer iyo xadhigga xeesha fog ee ka dhexeeya aqoonta iyo akhriska waxaynu ka dheehan karnaa erayada sare, iyo adduunka taamilooyinka ka taagan. 
U fiirsashada adduunka, u fikirka si toggan, iyo u falkinta maskaxda si qummani, waxay kugu hoggaamiyaan garashada qiimaha odhaah iyo eray laguma koobaanka ah ee akhirsku ugu fadhiyo nolosha.  Haddaba, garwaaqsashada iyo garashada Aadamuhu gartay sirta salka weyn ee ku jirta “Akhriska” wuxu isku dayay inuu sawir-gacmeed, qadiifado,  xaradhyo, eray xigmadeedyo iyo weedho gun fog ku cabbiro qiimaha iyo qaayaha durugsan, dahaadhan, ee aan wali si wacan daaha looga faydin ee akhrisku lee yahan.  “Intaad wax akhridaad wax taqaan. Markastood wax badan akhrido, waxaad aragtaa bata.  Berri waxa adduunka wax laga waydiinayaa kuwa ugu wax akhriska badan”
intaas oo xigmadood iyo in kaloo badan ba waxay Aadamuhu ku cabbireen dareenkooda iyo lahashada ay akhriska u qabeen. Haddaba, akhrisku waa furaha aqoonta, aqoontuna waa furaha horumarka, horumarkuna waa furaha badhaadhaha, badhaadhuhuna waa furaha reyn-reynta.
Heer akhriskeenna 
Wargeyska oo ah laba xaashiyadood ayaa  magaalooyinka soomalida ugu waaweyn ee ay ka soo baxaan haddaad marto waxad arkaysaa, iyadoo lakala ammaanaysanayo, amma “ii dhiib aan kuu yar eegee ayaa lagu odhanayaa?” bulsho wargeys afar warqadood ugu badnaan ka kooban kala toobalcaaraysanaysa akhriskeedu halkee taagan yahay? Warcelinteedu waa caddahay. Waxkastaba wuxu ka bilowdaa salka, ubad aan indha saarin hooyo iyo aabbe wax akhrisanaya, maxay iyagu wax u akhrinayaan? “Awrka yari awrka weyn saan qaadkiisuu lee yahay”  Buug haddaad gacanta ku sidato, oo aad soo dhex marto suuq amma xaafad, da’yarta gidaarada, seesaska, iyo hooska geedaha magaalada fadhiyaa, lagama yaabo inay ku waydiiyaan, wuxu daarran yahay iyo goobta lagu iibiyo midna. 
Waayo uma arkoba mid aqoon iyo saqaafadi ku duuggan tahay.  Ardaygeennu wuxu wax u akhriyaa imtixaan aad ku baastid, ee aqoon aad baratid wax uma akhriyo.  Taasna waxa caddayn u ah waqtiga imtixaanka waxad arkaysaa iyagoo masjidka ka buuxa, oo raabe raabe wax u wada akhrisanaya, halka isla jeerkaana marka imtixaanku dhammaado aadan indho saarayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen!! Haddaba. Dhibaatadeenna garanaye waa maxay dhaymadeedu?
Xalka iyo xaaladdeenna
Xalka ugu habboon, ugu qumman, ee ugu qunsani waa barbaarinta ubadka, oo laga soo bilaabo ibo-furka ilmaha in lagu canqariyo akhriska.  Carruurtu hadday indho baraaqsadaan, wax ogaadaan, ku garaadsadaan Aabbe iyo Hooyo wax akhrinaya, waxay u arki lahaayeen caado iyo dhaqan bulsheed oo lama dhaafaan ah.  Ubadku hadday dhalashadooda halacsadaan maktabad wax akhris oo guriga ka jirta, waxay garwaaqsan lahaayeen in akhrisku muhimad iyo maan kaabis lee yahay. 
Haddaba, lammaanahii hore ee soomaaliyeed aqoon iyo adduun la socod ma lahayn oo reer guuraa bay ahaayeen.  Lammaanaha maantana waxa ka maqan ulajeeddadii dhabta ahayd ee guurka in badan oo innaga mida.  Waayo arki maysid lammaane ku sugan laanta haasaawaha amma guri yagleelka oo ka wada hadlaya barbaarinta iyo basrinta ubadka.  Xaasha! Taladaba kuma jiraan ubadku!  Taasi waa ayaan darrada jirta.  Xil culus ayaa saaran lammaanaha nasiib u yeeshay inay dunidan jaqaafisay iyo tignoolajiyadan jiciiratay la socdaan.  Xil adag ayaa saaran lammaane kasta oo gartay in akhrisku adduun-aragga iyo aqoon oddoroska kordhin, kobcin, iyo kor u qaadis ku sammeeyo, maanka, laabta iyo damiirka qofka.  Lammaanahani xil gudashada waxay ka bilaabayaan dhaqankii hadlaaga, ee ilmaha sheekada loogu gudbin jiray, ayay qoraal ugu gudbinayaan.  Waxayna u soo gadayaan buugta ubadka iyo carruurta ee la heerka ah garaadkooda.  Dardaaranka ruuxa xil-dhibaanka ah aan u gudbinayaa waa haddaad ubad lee dahay la ogow akhriska inaad ku barbaariso, haddaad ammintan qorshaynaysana ku darso liiska haasaawaha ee adiga iyo lammaanahaaga idiin dhexeeya.
Hadal macaan iyo Hawraar la yaab leh!!
Haddaad ogaan lahayd, jannada adduunka ee aan ku suganahay, haddaad garan lahayd raaxada nafsadeed iyo reyn-reynta jidheed ee aroorta horeba aan dalaq idhaahdo.  Intaan waqti hayana iskaga jiro.  Haddaan ku dhan-dhansiin lahaa malabka iyo miida aan jaqo, nuugo, ku nimcaysto, ku nasto, kuna dareemo nayaayiro, galin iyo daqiiqad igamaad maqnaateen, waad igu qabsan lahayd, waad igula dagaallami lahayd! Haddaad indhaha saari lahayd quruxda, qiimaha, qaayaha iyo qummanaanta laabtaydu ku sugan tahay, iftiinka ka baxaya maskaxdayda, shamaca ka daaran garaad kayga ilbidhiqsi igamaad daahdeen!  Dhulka doogga, naqa iyo cosobka leh ee aan galabtii u daawashada tego, haddaad laba indhood ka qaadi lahayd waqtigaaga oo dhan waxad u huri lahayd inaad dhex joogto!! 
Haa, waan jeclaa inaad nimcadaa ila qaybsato, laakiin adigaa diiday! Haa adigaa diiday! Imisaan ku idhi koobka bigayska ah intaad laasato, halkaan ku cabbo biyaha Samsamka la dhadhanka ah iigu kaalay, ood I tidhi sii soco!! Haa sii yar soco!  Maya maya kuma odhane ii sheeg!!  Haddaad garan lahayd in yar uun oo aad dareemi lahayd, cosobka, cagaarka, cawada iyo ayaanka aan ku dhex jiro, sidaan u bartay adduunka, sidaan u bartay waxa ubucdiisa ku duuggan, sidaan u bartay waxa la ii abuuray!  Waxan ka baxay omos, abaar iyo awaare.  Waan arradnaa haddase dhar xariir iyo luul ka sammaysan ayaan xidhay!! 
Waan indho la’aa, haddase indho kuwa faraska ka fiiqan, ka aragti dheer ayaan yeeshay!  Halkaan wax ka arko adu kama aragtid!! Run ii sheeg! Haa waa runtay kama aragtid!  Adduunkaba dushaan ka eegaa, oo ka wada daawadaa!! Intaa iyo in kale ma doonaysaa inaad yeelato.  Adigoo halkan jooga ma doonaysaa inaad sidayda daafaha adduunka dalxiis ku soo marto, oo adduunka dalalka ugu cagaaran ugu qurxoon ku soo wareegto?  Haa, waan doonayaa, ii sheeg walaal.  Ii sheeg! Dhegta ii soo durki, ii soo dhawow!  Bal I dhugo!  “Wax akhri!.......................Wax akhri………..Wax akhri…...........Wax akhri!!”
“Oo yaa ila hadlayay?”  “waxa kula hadlayay Akhriste wanaagsan…..nabadeey…..nabadgalyo………nooli kulantee”
Ax……………..Ax……….Ah……….Ah…… waan jeclaa in hadalkaa dhegta jiidanaya la ii sii wado, waan nuuxsan kari waayay, waan is dhaqaajin kari waayay, in adduun kale la igala hadlayo ayay iiga dhignayd, in quruumo kale ila hadlayaan ayay iiga dhignayd. Akhriste , nabadeey!
Irridda aqoontu waa akhriska!
W/Q.  Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”
Facebook.  Cagaf Axmed Muuse.
Hargeysa. Somaliland.                                                                                ALLAA MAHADLEH.          
                                                                    DHAMAAD.


1 comment:

  1. Maqaal wax badan iftiiminya run ahaan. aadbaad u mahadsan tahay sxbkay cabdisalaam axmed muuse (cagaf).si farshaxan leh ayaad u qortay

    ReplyDelete