Monday, March 31, 2014

Waxtarka muuska


Muusku wuxuu ka mid yahay dhirta midheeda la cuno ee dabiiciga ah.caleemihiisa laftooda waxa looga muraadsan karaa siyaabo kala geddisan.  Ha ahaatee, ma ogtahay siday aadanaha quudashadeedu ugu wacan tahay,immissa dheef la’aan bay se yeelan karaan ?horteenna waxa hadda yaalla dhawr waxtar oo muusku  taro kolka la quuto,  caafimaad ahaanna wanaagsan.oo waxaaba xataa la sheegaa inuu muuqaalkana wanaajiyo.
Waa kuwan ee ka faaidaysi wacan:
Muusku wuxuu ka mid yahay dhirta ku habboon ee laga heli karo macdanta potassium la yidhaahdo oo jidhka dheef weyn u leh.macdantan waxay lagama maarmaan u tahay joogtaynta iyo hagaajinta shaqada uu qabanayo wadnuhu waxa kale oo ay ay isku dheeli tir iyo joogtaynba ku samaysaa dhexdhexaadinta cadaadiska dhiiga.
Daraasado badan oo la sameeyey ayaa muujiyey sida hufnaanta leh ee potasiumtu ay hodanka ugu tahay dhirta qaar sida muuska taasoo hoos u dhigta cadaadiska dhiiga markuu kor u kaco.
Sidaas si la mida cilmi baadhisyo iyo daraasado  dheeraad ah oo oo meelaha qaar laga sameeyey waxay sheegeen in cunitaanka oo la hoogtaeeyo ama cuntada lagu darsado ay jari karto khatar ah xanuun kugu dhici kara boqolkiiba afartan 40%.

Potassiumta la yidhi waxay ku jirtaa muusku waxay sidoo kale wax weyn u tartaa kalyaha iyo lafaha .
Tamar badan oo laga helo
Muuska oo aad cunto goor walba, waxay kuu sahlaysaa inaad awood tamar ahaaneed hesho.sababtuna waxa weeye waxa ku jira tamar waxoogaa ah.
Kolka aad ciyaar ama jimicsi kale samaynayso qudheeda saacad ka hor koob milan sharaab ah oo aanu muus ka madhnayn aadbay kuu saacidi kartaa.dad badan oo arrintaasi si dhaba u sameeyey ayaa ka warramay, waxaanay sheegeen inay kala kulmeen inuu wanaagsan yahay.



Dheefshiidka oo uu caawiyo
Muusku waa il muhiima. Muuska waxa ku jira in ‘fructo-oligosaccharides (FOS)’. Waxaa loo yaqaanaa afka ingiriisiga ‘prebiotic’ maadaama oo ay saaxiib dhow la tahay bakteeriyada ku jirta dheefshiidka taasoo u suuro galisa  inay u nuugto nafaqada si fiican.
Muuska sidoo kale waxa loo yaqaanaa inuu soo daayo dheecaano jidhka qooya..
Sidaa awgeed mar labaad isku day intii karaankaaga ah inaad badsato ama la jaarto geedka muuska midhiisina dheefsato.
Waxa ku badan faytamiinka
Si gaara waxa aad uga buuxa faytaminka la yidhaahdo B6. Faytamiinka waxa uu lagama maarmaan u yahay samaynta ‘hemoglobin’ oo masuul ka ah dhiig caafimaad qaba.
B6 waxaa kaluu ku shuqul leeyahay joogtaynta,ilaalinta,iyo daryeelka heerka sonkorta. Waxa kale oo uu faytamiinkani wax badan ka geystaa jajabinta amino aysiidh iyo soo saaristadi nudo cusub iyo adkaynta difaaca jirka.
Hal xabbo oo muus ah ayaaba kugu filan maalintii.
Faytamiino iyo macdano kale.
Intaa waxa ku xiga mar kastoo heerka botaashiyanka iyo fiitamiin b6 oo aynu hore uga soo sheekaynay kor dhaba,caafimaadka qofkuna wuu wanaagsanaadaa,kolkaa muusku waxa kaga jira saamiyo fiican oo faytamiin C ah, magniishiyan iyo manganiis.
Waxa kaloo ka ceegaaga qabybaha kale ee faytamiin Bda ah sida B12.kuwo ka sii yaryar sida ayodhiin,macdanta birta ama Ironta, selenium iyo zinc.
Macdanta ku  jirta
Calcium (mg)
17
Phosphorous (mg)
36
Iron (mg)
0.36
Magnesium (mg)
41
Sodium (mg)
36.6
Potassium (mg)
88
Zinc (mg)
0.15


Vitaminada ku jira
Carotene (mcg)
78
Vitamin C (mg)
7
Vitamin B6(mg)*
0.8


Wuxuu u wanaagsan yahay maqaarka
inkastoo maqaarka ay u fiican yihiin dhamaan khudraduhu ,haddana si gaara muusku wuu u wanaagsan yahay maqaarka,iyadoo oogada ama guudka sare la marinayo(waa kolka inta la qalajiyo diirka muuska,isagoo la burburiyey oo budo laga dhigay la marsado).markaa waxa lagaga bogsoon karaa finanka , toxobta,haaraha iyo wax la hal maala.
Waxa kale oo uu u wanaagsan yahay muusku dareenka guud, oo ay farxad la’aantu u kow tahay islamarkaana kor u qaadaa dareenka faraxadda.
joojinta sigaarka
Waxa uu caawiyaa joojinta sigaarka. Waxa la sheegaa in muuska uu ku jiro faytamiinka la yidhaahdo B6, sidaa si la mida waxa ku jira macdanta  magniishiyan iyo potaashiyan oo kugu taageeraya inaad si dhakhso ah uga bogsooto dhaawacyada uu gaysto qiijinta sigaarku.
Waxa isku soo duba riday:Xamse Cabdiqaadir Aadan
Tixraac:

No comments:

Post a Comment