Thursday, February 9, 2017

S O C DA A L KII CARRO B A R I (Qaybta 9aad) Burco,10kii Augosto


Carro bari-halkii Fogayd ee Asia haddeer ma joogno,ee waxaynu u baxaynaa magaalo kale oo iyana bari ka xigta Guryasamo.
Safar gaaban oo maalintaan Hargeysa imi maalin ka dib ugu baxay degmooyin hoos yimaadda Salaxley waxa ii xigay oo qorsheha iigu jirey inaan u amba baxo labada gobol ee Gabiley iyo Awdal,labadaa gobol oo ay iigu danbaysay muddo shan sanadood ka hor.hase ahaatee ma suurtoobin.maadaamoo labadaa safar hakad ku yimi labadii todobaad ee ka danbeeyey ba waxaan joogay Hargeysa.
Maalin ayuu ila soo hadlay Iid Cabdi oo ahaa saaxiib muddoo dheer aannu is niqiinnay kuye waar maad I raaci waxaan tagayaa burco.maya'e maalin kale ayaan tagayaa,wuxuu igu yidhi si degdeg ah ayaan uga soo noqonayaa. Intaa kolkii uu yidhi ayaan beddelay go'aankaygii hore waa hagaage inna diyaari baan u celiyey.
Sidiibbaanu ugu ambabaxney gobolka Togdheer

Ninba wuxu ku taama
ama gacan ku taabta
halka lugu taftaafee
burca waxey ku taala
xididada tin iyo cidhib
tabinaaya dhiigee ...hadraawi

Burco waa magaallo deggan oo jawi dhexdhexaad ah leh,waa magaalo nolosheedu jaban tahay marka loo eego Hargeysa,sidii Asia koonfureed ayaa maceeshadeedu tahay.
Maalmihii aan Hargeysa ku soo noqday ayaan damcay goor duhur ah kolkii aannu salaaddii duhur ka soo baxnay inaan qadadii samaysto, Daas ii dhawaa baan u tagay oo waxoogaa tamaandho,baradho iyo beed damcay inaan ka iibsado lacagtii uu I weydiiyey inanku waan ka yaabay,Aadbay uga duwanayd lacagtii aan ku aqiinnay saddex sanno ka hor.
Waa la dareemi karaa siday maceeshaddu u qaaliyowday muddadaa yar ee kooban,waxa ka sii layaab badan inaan alaabta kor u kacdaa dib u soo noqon.waxay u dhigantaa isleegta ah kor u soco kor iyo sare u soco korodhsiimo taagnow.

Burco waa magaalo leh biya magaalada wada gaadha,iyo nashqad magaaleed qurux badan iyo laamiyo waaweyn oo ku soo jiidanaya haddii si wacan looga shaqeeyana yeelan kara bilic aan laga indha qaadin.
dadka magaalada ku nooli waa dad kalgacal miidhan ah,inkasta oo aannu reer burco iyo guud ahaan dadka reer bariga ah;Hargeysa iyo Asia ba saaxiib ku lahaa haddana dareenka ruuxiga ah ee magaalada,kaftanka iyo sheekadooduba xiiso ayey leeyihiin.
Waa magaalo nolol macaan oo naftu ku xasili karto.

dhanka kale dhalinyarada magaaladu waxay la sinnaayeen dhalinyarada kale ee dalka guud ahaan oo makhaayad walba waa lagu arki karayey,waa dareen argagax leh jihayn la'aanta dhalinta.ictiraaf caalammi ah oo aan jirin Aafooyin badan buu dhalay,haddana,waa in la helaa dariiq kale oo lagaga maarmi karo.
Waxa jira dalal badan oo aan ictiraaf caalami haysan haddana maaro u helay dhibaatooyinka shaqo la'aantu ka mid tahay.
Dhibaatada kale ee Dhanka socdaalka dunida iyo baasaaboorka.
Laakiin hawlaha saamaynaya Arrimaha gudaha in xalkooda dawladdu ka shaqayso baa qurux badan.
Qarashka badan ee guddi ictiraaf raadin diyaarado iyo hudheello ku kiraysan lahaayeen iyagoo aan wax iictiraaf ah soo wadin waxa ka qumman in xoogga la saaro waxyaabaha nolosha dadka taabanaya.mana jiro dal waxqabad la'aan inoogu soo istaagaya oo inna aqoonaansanaya haddaan wax dan ahi jirin.
Shan iyo labaatan sanadood wixii waayo aragnimo aynu ka helnay waxa fiican inaanay hodhohodho noqone tabo cusubna barrano.

Markii aan burco joogay asxaab badan ayaa ila soo xidhiidhay waxay kaftan ahaan iigu soo direen dhambaal dhanka facebooga ninyow bari waad jeceshahee waxnoo noo sheeg?
Dalka bari iyo galbeedba waynu jecelnahay.

safarkii carro bari waxaan jecelahay inaan kusoo afmeero u boqoolka gobolada sool,nugaal ugu danbaynna Boosaaso Haddii Alle idmo.

halkaana uu ka  bilaabmo safar kale oo aan ku sii dhex maro gobolada Mudug,Galguduud iyo shabeellaha sare kuna soo xidho Banaadir.

Thursday, February 2, 2017

S OC DA A L KII CARRO B A R I (Qaybta 8aad) Salaasa 7:30 Subaxnimo Dubai-UAE

Subax wanaagsan,safar kolka la yahay xataa hurdadu inay kugu yaraato baa suurto gal ah,marka horeba adoo saacado kooban haysta baa haddana wax kale ku mashquulin karaan.

Si kastaba ha ahaatee,saacadaha nooga hadhay Duullimaadka Illaa Adis Ababa waa inaannu wax uun ku qaadanno.markan waa inaannu iska wareegno aniga iyo saaxiibkay Xamse Digaale oo dalxiis yaroo gaaban ku gaalaabixinno gaytatka uu madaarku ka kooban yahay.
sidaannu u baashaalaynay ayaa lagu dhawaaqay duulimaadkayagii...is diyaari weeye kolkaa... Si aan diyaaraddu iiga tegin qoraal haleeli maayo'e waa inoo hadhow markaan diyaaradda fuulo.

        ***

Markii dhawayd soo maad arkayn waxa dhidhid iga dhacayey oo meeshu kululaa dee? dee haa,40 ° iyo ka sarreeya.Berbera iyo jabbuuti iyana ka warrama.

Waanigan haddeer diyaaraddii Fligh Imarates ku soo booday,fadhigii la iigu tala galay,kursiga todoba iyo tobnaad qaybtaJ-da ayaan fadhiistay ka dibna suunkii adkaystay.

Afar saacadood ka dibna,waxaannu soo gaadhney caasimadda Itoobiya,halkaasaannu haddana isku diyaarinnay duulimaad kale oo illaa Somaliland ah, waxaannu soo raacney Ethiopian Airlines 3:50 daqiiqo wakhtiga geeska Afrika
Cabbaaro shantii oo waxyar dhimanna waxay diyaaraddii soo cagadhigatay Cigaal international Airport.Illaahbaa Mahad leh.

Xagaa ayey ahayde,dabaysha iyo neecawda dhacaysa iyo Masalaha iyo macaanka dhulka hooyo waa mid ku beerqaadaya bilxaqiiqatan.

Jaranjarrada diyaaradda markaan ka soo degay ayaan gacantayda midig dhulka ku taabtay oo aan dhunkaday waxaanan ballan ku qaaday inaan sii Amba qaado halgankaygii hore ee ku dul binaysnaa waayihii waxbarasho Aakhirkana isugu biya shubanaya ka shaqeynta dhulka hooyo,hubaal waxa ah inay u baahan tahay hawshaasi qarash badan hase yeeshee Itaalku meel uu I dhigo ba inaan arko mar uun Hargeysa oo la mida caasimadaha Adduunka .

Dhanka kale Muuqaalka magaalada haddeer iyo markaad gudaha u soo gasho Hargeysi inaanay wali helin  horumarkii loo baahnaa
La dareemi og. maamul ka shaqeeya na hadalkiisa daa waayo wey ka muuqan lahayd.

Waddada madaarka ka timaadda oo si xun u burbursan,ayaa kugu beeraya argagax,bilic la'aanta lafteeda oo wax  ku biirisay qaab la'aanta iyo inaanuu jirin hindise inta ogaalkay.
qofka ku cusub lagama dhaadhicin karo magaaladan ayaa leh gole deegaan maayor maayar ku xigeen iyo xildhibaanno isku geynna shan iyo labaatan ka kooban.
lagamana dhaadhicin karo qof ku cusub waa magaalo burburkii ka dib rubuc qarni nabad ahayd. Waxa intaaba ka daran in haddana dadka intaa cashuur laga guro dawlad hoose iyo mid dhexe ba.oo haddaa maxaa sidan ka dhigay?
Horumarka dadka qaar ku hadaaqaan malaha waxay u haystaan daaraha ganacsatadu dhisatay iyo baayac mushtarka dadweynuhu kala wadaan.
Taariikhda kolka dib loo raaco'na wixii Jamhuuriyaddii loo burburiyey waxay ahayd in la helo nidaam ka hufan kaa markaa jirey.
Adduunku wuu kobcayaa,singhapore 1970kii iyo Hargeysi siday ahayd iyo maanta labadooduba siday yihiin waa loo joogaa.
Kolkaa inta la helayo Hargeysa dhaanta tan maanta jirta waa HALGANKU HA SOCDO...

S OC DA A L KII CARRO B A R I (Qaybta 8aad) Salaasa 7:30 Subaxnimo Dubai-UAE

Subax wanaagsan,safar kolka la yahay xataa hurdadu inay kugu yaraato baa suurto gal ah,marka horeba adoo saacado kooban haysta baa haddana wax kale ku mashquulin karaan.

Si kastaba ha ahaatee,saacadaha nooga hadhay Duullimaadka Illaa Adis Ababa waa inaannu wax uun ku qaadanno.markan waa inaannu iska wareegno aniga iyo saaxiibkay Xamse Digaale oo dalxiis yaroo gaaban ku gaalaabixinno gaytatka uu madaarku ka kooban yahay.
sidaannu u baashaalaynay ayaa lagu dhawaaqay duulimaadkayagii...is diyaari weeye kolkaa... Si aan diyaaraddu iiga tegin qoraal haleeli maayo'e waa inoo hadhow markaan diyaaradda fuulo.

        ***

Markii dhawayd soo maad arkayn waxa dhidhid iga dhacayey oo meeshu kululaa dee? dee haa,40 ° iyo ka sarreeya.Berbera iyo jabbuuti iyana ka warrama.

Waanigan haddeer diyaaraddii Fligh Imarates ku soo booday,fadhigii la iigu tala galay,kursiga todoba iyo tobnaad qaybtaJ-da ayaan fadhiistay ka dibna suunkii adkaystay.

Afar saacadood ka dibna,waxaannu soo gaadhney caasimadda Itoobiya,halkaasaannu haddana isku diyaarinnay duulimaad kale oo illaa Somaliland ah, waxaannu soo raacney Ethiopian Airlines 3:50 daqiiqo wakhtiga geeska Afrika
Cabbaaro shantii oo waxyar dhimanna waxay diyaaraddii soo cagadhigatay Cigaal international Airport.Illaahbaa Mahad leh.

Xagaa ayey ahayde,dabaysha iyo neecawda dhacaysa iyo Masalaha iyo macaanka dhulka hooyo waa mid ku beerqaadaya bilxaqiiqatan.

Jaranjarrada diyaaradda markaan ka soo degay ayaan gacantayda midig dhulka ku taabtay oo aan dhunkaday waxaanan ballan ku qaaday inaan sii Amba qaado halgankaygii hore ee ku dul binaysnaa waayihii waxbarasho Aakhirkana isugu biya shubanaya ka shaqeynta dhulka hooyo,hubaal waxa ah inay u baahan tahay hawshaasi qarash badan hase yeeshee Itaalku meel uu I dhigo ba inaan arko mar uun Hargeysa oo la mida caasimadaha Adduunka .

Dhanka kale Muuqaalka magaalada haddeer iyo markaad gudaha u soo gasho Hargeysi inaanay wali helin  horumarkii loo baahnaa
La dareemi og. maamul ka shaqeeya na hadalkiisa daa waayo wey ka muuqan lahayd.

Waddada madaarka ka timaadda oo si xun u burbursan,ayaa kugu beeraya argagax,bilic la'aanta lafteeda oo wax  ku biirisay qaab la'aanta iyo inaanuu jirin hindise inta ogaalkay.
qofka ku cusub lagama dhaadhicin karo magaaladan ayaa leh gole deegaan maayor maayar ku xigeen iyo xildhibaanno isku geynna shan iyo labaatan ka kooban.
lagamana dhaadhicin karo qof ku cusub waa magaalo burburkii ka dib rubuc qarni nabad ahayd. Waxa intaaba ka daran in haddana dadka intaa cashuur laga guro dawlad hoose iyo mid dhexe ba.oo haddaa maxaa sidan ka dhigay?
Horumarka dadka qaar ku hadaaqaan malaha waxay u haystaan daaraha ganacsatadu dhisatay iyo baayac mushtarka dadweynuhu kala wadaan.
Taariikhda kolka dib loo raaco'na wixii Jamhuuriyaddii loo burburiyey waxay ahayd in la helo nidaam ka hufan kaa markaa jirey.
Adduunku wuu kobcayaa,singhapore 1970kii iyo Hargeysi siday ahayd iyo maanta labadooduba siday yihiin waa loo joogaa.
Kolkaa inta la helayo Hargeysa dhaanta tan maanta jirta waa HALGANKU HA SOCDO...

Wednesday, February 1, 2017

S O C DA A L KII  CARRO B A R I (Qaybta 7aad) S A G O O T I S K I I   G O B O NNI M A DU KU D HEE H NA YD

Immisaan walwaal
Iyo ceel wardheer
Kaga baxay wadaan...

Kullanada is xaal waraysiga ahaa ka dib,sogordohii ka danbeeyey kaftanno dhowra,reer Indonesia in ay gob yihiin hore na waan u ogaa waan se sii xaqiiqsaday.
Tiraba shan oday baa hadalka midba mar  qaatay,si guud mar waxay ii sheegeen in haddii wax badan ay hayn lahaayeen lanagu sooryeyn lahaa,heerkooda karaanna wax badan uga soo joogay bay ii tibaaxeen, dareenka ruuxiga ah ee soomaalida bariga afrika ku nool maantana qaar marti u yihiin iyo iyagoo Asian ah;muslinnimadu in ay tahay  sobabta loo wanaajinayo xidhiidhka bay haasaawihii mariyeen.

Wisnu waxaan u sheegay  in haddii dukamantiyada safaaradda uu hore iigu soo dhammeeyo aan abaal  u hayn doono Maadaamoo baasaaboorkaygii Medan Yaallo.isna wuu iga aqbalay midhkaa waxaanuu ii raaciyey hawraar ah inaanuu dedaal yaraysan doonin.
Waxaanay daba socotay taasi is xaal waraysigii aannu yeelannay tiraba laba cisho oo daarnaa inaan uga warramay qorshaha  qorshahan xiga iyo u baqoolka carro afrika oo ku dul binaysan sii Amba qaadka halgankaygii hore,isla jeerkaana aan haddeer garan karo meel aan ka bilaabo.

Sidiibuu yeelay,waraaqaha uu diray iyo dhamaan hawluhu halka ay marayaan intaba wuu ila  soo socodsiin jirey.
Waxaanuu soo raaciyey farriin ah in qunsilaydda somaliland na warqadd looga baahan yahay,maadaamoo somaliland tahay dal yidhi waannu go'nay shuruucdiisa na la  ixtiraamayo.

Markii aan soo noqoshada qorsheheeda ku jiray lafteeda asxaab badan baa faallooyin iyo talo'ba ka dhiibtay,taladoodu waxay ahayd kolka la soo ururiyo sidii heeskii faysal cumar mushteek Naxariistii janno Alle ha siiyee yidhi:iska joog,nala joog,ha derderin carrada, anna waxaan u celiyey inaanan gobonnimo iyo qaxoontinnimo isku doorsanayn taa beddelkeeda doorbidayo in wax kastoo aan jecelahay si kale u baadi doono inta dalkaygu xor yahay qiimigay doonto ha igu istaagto.

Waana laba mid in aan anigu khaldanaa oo iyagu saxnaayeen iyo In ay iyagu khaldan yihiin oo anigu saxnaan doono.fikirkii shalay aan dalka ka haystay inay wax badani iska beddeleenna waxay caddayn u tahay heerka korriin iyo ku guurridda mushkiladda jirta lafteeda taana wakhtiga ayaa ka jawaabi kara mar labaad.

maalin khamiis ah ayuu ii dhiibay bushqad waraaqo ku jiraan.boodhin baasyo iyo tigidhadii  lagu cuntaynayey.
Wuxuu isku duba riday Baabuurkii iyo ilaaladii oo dhamaystiran.
Maalin isniin ah na 9kii subaxnimo ayaan soo nabadgelyeey asxaabtaydii qiimaha badnaa ee aannuu soo wada jabhadaynnay.waa subaxda qudha ee aan ooyey,maalintaa sidaan u ooyey u malayn maayo in ay I soo mari doonto,waan hubaa inaan dharaaro badan ku soo celceshan doono ilbidhiqsiyadaa xasuustooda kaliya.
Inkastaan garawsanahay qiimiga gaarka ah ee rafiiqu leeyahay,haddana,way sii laban laabmatay waayo marxalad walba way I garab taagnaayeen bashbash iyo barwaaqo iyo dharaaro adkaa intaba way ila qaybsadeen, dal dheer ayey ehel iigu noqdeen soomaali ayey ahaayeen deegaan walba ka soo jeeda qabiil walbana leh hayeeshee soomaalinimada iyo walaaltinnimadu ahaa waxa isku kaaya xidhayey.

Waxa iyaguna xusid mudan,akhyaarul sharafkii reer bengaladesh oo aan ka sii xasuusanahay Ashahudin Zaman, Md Mamun bai,MD Huzhrat Cali,Jahangir Alom,Saiful Islam,Onik,Hassan,AbdulRazak,Noor Mohammat, MD khokon khokon,Dayib bai,iyo qk. Qoomiyadda Afghanistan inkastaanan magacyadoodi qaar hilmaamay waxaan ka sii xasuustaa Amin Rahimi.
sidoo kale dhamaan dadkii aannu macruufka noqonnay diin kasta ha haystaanee,waxaan ka xusi karaa Somjai Batal oo reer Thailand muslin ahaa,wuxuu Somjai ahaa qof dun ah oo wanaagiisa iyo islaaminadiisa ku sharfan iyo Yonus kalabeu oo milatari ahaa kana soo jeeday Eriteria oo wax badan oo khibrad ah ila wadaagay bilxaqiiqatan.

Xaaji Raja Aiprport-Tanjunpinang-Indonesia
Isniin
10:30 Am

Waxaan ku waajahanahay jakarta oo caasimadda indonesia ah,waa barqo dadka raacii labaad soo shaqo tagayaan iyo dad kaloo iyaguna dabcan muraaddo kale ka lahaa.
Qof walba waxa uu ku fooraraa mobilekiisa oo uu la sheekaysanayo.
Qarniga 21 aad ka sii 2016 layaab ma leh haddii laba qof oo wada socda haddana aan wada sheekaysanayn mid hadduu damco inuu la hadlo saaxiibkii waa inuu farriin u soo diraa!
Sidaa si la mid ah waxaan ku mashquulsanaa dhamaystirka ka jawaabista iyo farriimo u diridda dhamaan asxaabtayda kala joogta gobolada indonesia.
Reer Hargeysa farriimahooda xalaybaan khalisay laba cisho ka dibna waabann wada joognaa war wuu isugu kaaya laaban yahay.

Saacad iyo badh ka dib na waxay diyaaraddii GARUDA Airlines soo gaadhay jakarta....
Qiyaastiina Abbaaro shantii fiidnimo ayaa lagu dhawaaqay duulimaadkayagii anakoo soo raacnay  filgh Emarites u soo jihaysantay dhinaca jasiiradda carabta.
Daqiiqadaha aan ka soo baxayey dalkaas dareenkayga ma garan karo wax aan ku qiyaaso,waxa aan bartay is ixtiraamku waxa uu yahay,waxaan bartay lixda erey ee dalkaas tiirarka uu ku dhisan yahay qayb ka qaatay...lixdaa xaraf waa TUNNGU,oo la micnno ah samir.
Waa Laba boqol iyo konton milyan oo samirka u kaashaday noloshan wada carqaladaha ah.waxa laga yaabaa inaad aragto qof aan hal Rupees haysan haddana faraxsan.

indonesia iyo dadka ku dhaqan ba waxaan u rejaynayaa nolol badhaadhe,horumar iyo khayr badan,Aadbaanay u MAHADSAN YIHIIN.

HAWADA SARE

saacadaha ay soo socotay Waxaan hawada ku daawaday dhowr filin oo classic American ah iyo filimkii Hum apke Hai kuan, kow iyo tobankii habeennimo na waxaannu nimi magaalada dubai.
Halkaa waxaan kambalka ka soo kulaalayaa carro soomaaliyeed oo laga yaabo illaa barriba inaan gaadho.
Haddeer na waan yara seexanayaa ee waa inoo berri haddii Alle idmo.

Tuesday, January 31, 2017

S O C DA A L KII CARRO B A R I (Qaybta 6aad) U S A F A R K I I TANJUNGPINANG,UBAXII BAXNAANADA I Y O MAALMIHII JACEYLKA

`Adduun waa xeerba xeeroo
Sidii weeye xabag cadaadoo
Xil bay adhi jiri wadaagtaa....

Halka Axmed saleebaan bide  looga heesay baa anna qiyaastii la iiga heesay,muhmal baa igaga jira inuu heeskaasi ka mid ahaa hal muceedkii uu ku sameeyey dharaarihii madheera waa se la weydiin doonaa.
Midhbaan se abaal ugu hayaa hal-Abuurka Soomaaliga ah...murtida ka  soo  maaxdaa badweyn weeye lagu dabaalan karo,waa nolol,waa xeelli ay ka dhacayso neecaw aad u macaan ,waa guri weyn oo villa ah,waa beero iyo kaymo waaweyn oo naftu ay ka hesho hadhac qabow ,waa gaashaan, waa daahfur socdaalka la mida,waa muraayad marmarka qaar laga dhex daawado waayaha qof ama bulsho la jaal yihiin waa..waa.waa
Soomaalidu maktabbadda iyo ilbaxnimada ay adduunyada kale kaga sarrayso waa hab adeegsiga hadalka darka xigmadda aftahanimadda dhaxal iyo taariikh han weyn oo aynu ka ergisannay awoowyaasheen illaa haddana inoo irmaan kaasoo daaran hadal  miisaaman,dhul dalxiis oo ka suugaanta ka wanaagsan u malayn maayo inuu jiro.
Intaa waxaan ii dheer suugaantu waa wehel nafta ku lammaan oo aan ku milanahay,waan isku dhayaa haddii aan dhaawacmo marmarka qaarna ka jeedaaliyo odors ahaan Mustaqbalka.

.....

Bishii Febraayo dhamaadkeedii

Warqaddii aannu qornay bishii koobaad baa  saamayn igu yeelatay,kamaan fikirnba inaan warqaddaa ka daba tago,ama ugu yaraan hakiyo.nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdeey, beryahaa waxaannu sheekaysannay muddo yaroo kooban gabadh, waxaan go'aan ku gaadhay inaan ku guursado halkaa, markii aan yara qiyaasayna u dhignaa maayadaha nolosha mid ila qaybsata wax kastaba ha jiraane.
Galab anoo makhaayad ka shaahaynaya ayaan maqlay todobaadka soo socda waxa la sheegayaa in sagaalkiinnii qof warqadda bedelka u qortay laanta socdaalka u amba bixi doontaan jasiirad meel heblaayo ku taalla.

Anna waa kii arrinku meesha ii yaallay,dabadeed koobkii shaaha ahaa intaan laba jeer fiiqsaday ayaan is idhi waxay sheegayaan ma ka ciyaarbaa,sigaar aanan u dan lahayn baan midh ku bakhtiiiyey.haddana,kollayba war la sheego waxbaa ka jira'e ka war doon.
Dhab ayuu ahaa,arrinkii markaan rag akhyaar ah kala tashaday een u sheegay sida wax u jiraan bay yidhaahdeen haddaba ninka hawsha socdaalka ka masuulka ah miyaad la socodsiisid,si uu u hakiyo.sidii baan yeelay waxaana ila socday wiil cabdiraxmaan la yidhaa,kolkii uu na dhagaystay waayahay buu yidhi ee midhkaan khaladka ku yeeshay waa inaanan warqad qoraal ah ka daba dirin een afka uun uga sheegay.

Waxaan xasuustaa habeen axad ah anakoo madbakha ku wada kaftamaynna inan aannu macruuf ahayn qaraabo'na ahaayeen wadaadan aan damacsanahay oo markaa magaalo 25 Km noo jirta ku maqnayd, ay ii sheegtay in socdaalkaa ay wax ka maqashay,bal inay wax ka jiraan iyo inkale?.safarka inaan hakiyeybaan ugu warceliyey.

Yaa miskiinal bilaad,subax isniina ayaan ku war helay shandadaada soo xidho,soo maydho,diyaaraddaad raaci lahaydna waa diyaar.
Farxad iyo murugo isku lammaan,farxad wey ii ahaydoo safarrada iyo tamashlaynta waan iska jeclaa,murugana way ii tahayoo sowniigii hawlo caashaq Ku shuqlanaa beryhanba.kaaga darane dahabo magaalo kale bay  igaga maqand.qushigeede telefoonka ba waan ka nabad galyeyn warkana ku kala qaadan. Sidiibaan musqusha ku galay waan maydhay,intaa ka dib laba ragcadood intaan tukaday ayaan sii nabad galyeey dardaaran baddana sii kala qaadannay Dadka intii aannu is niqiinnay.

Waxaanan ku dhacay bas.heestii caanka ahayd ee... Sakit tidhuri sini...ka daaran tahay oo musik khafiif ah dhegtuna ay halhaleel ku dhagaysanayso,muuqaalada yaabka leh ee dhulka,shinbiraha,kaymaha,badaha iyo doonyaha ayaa iyaguna lahaa mucjisooyin Rabbaaniya
macnaha guud ee heesta iyo hawo qaboojiyaha oo igu noqday calaydh muxibbo ayaa marqudha soo gaabiyey dariiqii.

Maanta oo isniin ah waxay soo af jaraysaa afar,shan bilood oo Belawan aan ku qaatay,iyo akhyaar miisaankooda lahaa oonnu isku barannay.

Sidii baannu ku soo galnay KNM Int.Airport.
Mawjadaha dad is dhaafaya waxay irbad la daray ka yihiin afartanka milyan ee Sumatara ku dhaqan.
Qaabka loo dhisay madaarkaa iyo qarashka loo huray labadu waa mid layaab leh oo ashaqaraar ku dilayo haddaad daawasho ugu dhaqaaqdo.

Saacad iyo badh ayey diyaaradi u soo socotay magaalada Batam,oo ay tanjupinang isku dhaw yihiin.
Magaalada Batam markaan madaarka soo gaadhay waxaan soo xasuustay madaarkii Aadan cadde ee Xamar ku yaallay inkasta oo uu Aadan cadde ka weyn yahay haddana,qaab dhismeedka dhulka ayey is yara shabahaan...
Batam waxaannu kaga soo Ambabaxnay doon nooca dheereeya ah(speed boat),in yar ka dibna waxaannu nimi Tanju oo ah jasiirad Milatari oo Afartan kiilomitir u jirta Singapore.

Halkaasaan ku noolaa muddo laba sano ku dhow,waxaanan ka soo dhoofayaa todobaadkan aan qoraalkan qorayo.waa la isku soo noqon wixii nool adduunyada...

La soco qaybaha danbe

Monday, January 30, 2017

DHARAARIHII BELAWAN Kalkii 2aad

Inantii xafiiska joogtay ayaann isbaray, warkii  na kala qaadannay,buugaagta sidaan u amaahan karo iyo mudada aan buug walba ku akhriyi karo ayaannu gorfeynay.macaamil joogta ah ayaannu noqonnay.buugaagta aann amaahdo sidooda ayaan ugu celin jirey.
Maalmihii hore buugaagta aan akhriyo aniguunbay igu koobnaayeen,kolkii danbe se waxaan helay dhowr nin oo asxaabtii aannu is barannay ka mida oo dhinaca akhriska xiisaynaya,aadbaan ugu farxay midhkaa inaan helo dad akhriska danaynaya.
Habeenkii markaannu wakhti firaaqo ah helno ayaanu isla yara falanqaynaa buugaagta aannu todobaadkaa akhrinnay.
Buugaag ay iyagu shakhsiyan u lahaayeen oo ay Malaysia kala yimaaddeenna waaban ka yara qaatay oo halkaa faa'ido kale ayaa ka soo korodhay.
Haddii la isku wada geeyo'na dadka soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqnaa boqolkiiba shan ayaa akhriska danaynayey.

Muddadaa aan belawan joogay noloshayda waa markii koobaad ee jadwal aan dhigto boqolkii sagaashan iyo sagaal sidiisa u hirgaliyo,waana markii koobaad ee nolosha macneeda guud aan  wax badan ka ogaaday,ma jiro qof dalkiisa ku doorsan kara dal kale hase yeeshee waa marka kaliya ee intaan indonesia joogay aanay niyadda igaga soo dhicin Somaliland ku noqonno.
Waa marxalad muhaajirnimo,waa marxalad waayaheeda leh,waa marxalad ay xog ogaal u yihiin Malaayiinta soomaali dal kale qaxoonti ku jooga.haddana,waxaasoo dhan ka dib xaqiiqada carro Soomaali ka taagnayd waa mid waxaasoo qaayo beela kaba sii qaaya daran.waa marxalad inanka soomaaliyeed ee maanta dalkiisa jooga uu ka qiima badan yahay qofka baasaboorka qaxoonti kala soo noqda galbeed,waa dal si dedban looga dhiiri galiyo barabaxa muwaadiinta dalkooda caano iyo nabad ku jooga,taa waxa caddayn u ah  kharashka lagu bixiyo xaflado bakhaanbakh oo wax la yidhaa qurbe joog loogu magac daray iyadoo laga yaabo in cusbitaalka Hargeysa daryeel la'aan caafimaad la tabaalaysan yahay.
In hargeysa aan badankeeda biya laga cabbin,,waa dal dhan oo madaxdiisu aanay diyaar u ahayn inay wax hagaajiyaan,dhibtu ma shacabka soo dooranayaa kolkaa.illeen dawladdu cirka kamay soo dhicine shacabka ayey ka timide  «hashu maanka gaddee ma maasaar bay liqday » ayuu arrinku u eegyahay.meel loo socdo iyo qorshe lagu socdona lagama tashado'ba.
odhaah aan af qalaad ka soo xigtay bay mucdeedu ahayd «waxba waa waxba hayeeshee waxba waxay ka wanaagsan tahay lumitaanka rejada».
Sobabta inanka hargeysa ama burco jooga ee waliba lacagta haysta ee ladan haddana ugu dhimanayo saxaraha iyo badaha ma la is weydiiyey wali?

Hooyo soomaaliyeed oo aan maalmahaa kula kulmay belawan waxay iiga warrantay kolkii soomaalidu burburtay inay Yemen u baxday ka dibna halkaa ku noolayd kuna  dhaqnayd iyada iyo reerkeeduba,maalintaa ay ii sheekaynaysay 24 sanadood waxa laga joogay dawlad la`aanta soomaali ku dhacday.waxa ay dhagaysanaysay idaacadda oo ay warkii ku jiraan Somaliland waxay ku niyad samayd bal in uun meel soomaali u bad qabta oo ay mustaqbalka ku noolaan karto ama waqooyi ha ahaado ama koonfur inay hesho.

yemen maalmahaa aadbaa looga soo hijroonayey waxaanay u eegayd mid Amaankeedu soo khalkhalayo.

S O C DA A L KII CARRO B A R I (Qaybta 4aad) DHARAARIHII BELAWAN ...........


Dhegtaa kaa da'a weyn ishuna waa kula da'.

Magacayadaa xerooyinka aan maqlay sheeko ayey igu ahaayeen haddii dadka waaweyn lala soo qaado se waxa markiiba niyaddooda ku soo degdegaysa dharaaro xasuustood; maalmo qaayo-beel oo wadcigooda lahaa,masalan dulcad dadkii soo maray oo kale.

24kii November anoo xabsi ka soo baxay,aadbaan u faraxsanaa maalintaa.waxay soo afjartay marxalad waayeheeda lahayd.
nolosha noloshan xigtaa lafteedu waxay lahayd xiiso kale.
Qofku had iyo jeer kolka la xidho,marka uu soo baxo nolosha oo dhammi waa u macaan haddaan wax dhabqiyaa jirin,marna waa u qadhaadh,haddaan muftaax kale kuu bixin kol kalena waa marxalad u dhaxaysa labadaa.
Tusaale ahaan qof la xidhay markuu banaanka u soo baxo haddii lagu yidhaa wataa noloshaadii oo dhammi,nolol dhan oo shaqo leh,hawl leh,waajibaad leh.way adag tahay dib u kabashadu.
Haddiise se culaysyada caynkaasa badh dawladdu ka qaabisho ama waxoogaa lacag oo faraqabsi ah uu qofku haysto,qulubku inuu ka yaraado baa suurto gal ah.waxaa jira dalalka qaar inay ka jirto barnaamijyo dib loogu kabo  qofka jeelka gudihiisa,kolka uu baxana faralaab loo dhiibo.

Habeenkaa dhowr midh intaan ka shitay baakhidh Malborne ah ayaan wax badan dersay,Allahayow fogaydee nafta meel aan kala faqay ayuu arrinkaygu u eegaa.laba dharaarood oo qudha na waxay ka hadhsanaayeen fiisihii aan Malasia ka qaatay.
Lacagta aan haystay kolkaa isku geyn Saddex Milyan iyo lix boqol oo Rupees ayey ahayd oo lacagta dalkaas ah.qiyaastiina gobolada Sumatra  waa dhif iyo naadir qof lacag inahaa ku dhow gacanta ku haysta.tujaar aan cidi ogayn baannu noqonay.

Ku dhawaad bishaa aan wadanka joogay bay wax badani ii soo baxeen oo haddii ay shaqo la shaqaysanayo tahay malaysia dhanka jaaniska lagu shaqayn karaa boqolkiiba wax badan kaga duwanayd Indonesia.
Haddaba labada cisho  ee safarka badda waa intaad dhexda sii socoto,meeshaad u socotay iyo warar badanna maad helin...e bal u kaadi ayey noqotay.
Saaxiibkay cabdiftaax xaashi  na ila mid buu ahaa oo Malaysia ayaannu ku soo noqonaynay,cabdimahad M.muuse oo naga fikir duwanaa mooyaane.
Kol kastaba na warbixinta aan dadka ka helo iyo ka aan internetka ka baadho way is leegaayeen.

     **
**Hayntaada jeebkiyo
Siday hawshu kugu tahay...**

5tii December ayaan tagay meel tima jare ah,timihii ayaan gaabsaday.jadwalkaygii nololeedbaan dib u qaabeeyey,wax safar ahna dibbaan u hakiyey.waxaan isku dayey inaan heli karo meel wax lagu akhriyo ugu horrayn,sobabtoo ah muddo laba bilood ah oo hawlo ahaa ayaanan buug siduu u eg yahay arkin,sidaynnu hore ku sheegnay qoraaladan bilowgoodii:qallinka iyo akhrinta dhiganayaashu waa xalka kaliya ee lagu  furfuri karo masalooyin baaxadd leh.maan helin maktabad balaadhan oo wax lagu akhristo,hase yeeshee,guriga aannu degaynayn meel ka mida ah ayey hay'adda  qaabilsan socdaalku u qoondaysaysay maktabad kooban.halkiibaan macluumaadkeedii raadiyey kolkii aan warbixin ka helayna goor duhur ah u tagay.

La soco qaybaha danbe....